Tacsi

Guddoomiyaha KULMIYE oo Shacabka ka Tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Cabdiraxmaan Cileeye

12 June 2017
TACSI GUDDOOMIYE
 
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Ibraahim Waaberi (Cileeye) oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta oo taariikhdu tahay tahay 12/06/2017 
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Cabdiraxmaan Ibraahim Waaberi inuu ahaa oday wayn oo reer Somaliland ka baxay, isagoo ahaa ganacsade dadkiisa iyo dalkiisaba wax badan taray, kaalina wayna ka soo qaatay dib-u-dhiskii dalka Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE