TACSI GUDDOOMIYE

26 June 2017
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 
Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay oo taariikhdu ahayd 26/06/2017. 

Marxuum Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa odayaashii ugu horreeyey ee lagu aasaasay Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu Guddoomiyuhu ku tilmaamay caalim diinta Islaamka aqoon badan u lahaa, shakhsi afkiisa iyo adinkiisaba laga nabadgalay oo cibaado badnaa, isla markaana kaalin wayn ku lahaa nabadayntii iyo dib-u-dhiskii qaranka Somaliland.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE