Nuxurka kulan Boorama ku dhexmaray Guddoomiyaha KULMIYE iyo Safiirka Midowga Yurub

Boorama (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Veronique Lorenzo.   Guddoomiyaha KULMIYE oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Gobolka Awdal oo uu hawlo shaqo u joogay ayaa kulan ku …

Review Overview

0%

User Rating: Be the first one !
0

Boorama (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Veronique Lorenzo.

 

Guddoomiyaha KULMIYE oo maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Gobolka Awdal oo uu hawlo shaqo u joogay ayaa kulan ku dhexmaray Safiirka Midowga Yurub Amb. Veronique Lorenzo huteelka Rays ee magaalada Boorama maanta, halkaas oo ay kaga qaybgashay bilowga qaybinta kaadhadhka codbixinta waxay kaga wadahadleen xaaladda guud ee Somaliland, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, gurmadka abaaraha iyo mucaawanooyinka Somaliland ka hesho Midowga Yurub.
Md. Muuse Biixi waxa uu uga warramay safiirka heerka dhibaatada abaarta baahsan ee ka taagan Somaliland iyo baahida loo qabo in la xoojiyo gurmad lagu badbaadiyo dadka. Waxa kaloo uu ka xog-warramay u diyaargarowga loogu jiro qabashada doorashada Madaxtooyada Somaliland ee u qorshaysan bisha November ee 2017, waxaannu u caddeeyey in xisbal-xaakimka KULMIYE iyo xukuumaddiisaba ay ka go’antahay in doorashada waqtigeeda lagu qabto.
Dhankeeda Safiirka Midowga Yurub Amb. Veronique Lorenzo waxay soo dhawaysay qodobada uu kala hadlay Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, gaar ahaana waxay ayiday in dadaal badan la galiyo sidii aannu mar kale dib u dhac ugu iman lahayn doorashada.