Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo shacabka ka tacsiyadeeyey geerida marxuum Keenadiid Cabdikariin

TACSI GUDDOOMIYE 07 May 2017

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaal dalka Ingiriiska xalay oo taariikhdu tahay 07 May 2017.
Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ku tilmaamay Marxuum Keenadiid Cabdikariim Jaamac waxa uu ka mid ahaa muwaadiniinta qurba-jooga reer Somaliland ee jeclaa horumarka dalkooda iyo wax-wada-qabsiga ummaddooda, isagoo ahaa addoon wanaagsan, waxaannu Marxuumku waqtigan ka tirsanaa xisbiga KULMIYE.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska warbaahinta xibiga KULMIYE