home about us news archive party policies get involved contact us
 
   
 
Curriculum Vitae - Ahmed Silanyo

AHMED MOHAMED MOHAMOUD
SILANYO

— taariikh nolo leed
— curriculum vitae

 

ABDIRAHMAN
AW-ALI
FARAH

Musharaxa Xisbiga Ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax
 
Click for Photo Gallery
   
MAGACYADA HOGGAANKA XISBIGA
   
   
HALKAN KALA SOO XIDHIIDH AFHAYEENKA XISBIGA
   
Click for Local Elections Analysis
   
SOMALILAND LAWS
   
SOMALILAND LAWS
SOMALILAND CONSTITUTION
AXDI QARAMEEDKA SOMALILAND
 
 

KULMIYE Waa urur siyaasadeed waddani ah oo la asaasay bishii May ee sannadkii 2002.

Xisbiga KULMIYE wuxuu bishii Diisambar ee 2002 ku guulaystay kaalinta labaad ee tartankii doorashooyinkii degaamda Jamhuuriyadda Somaliland taasoo uu kaga mid noqday saddexda xisbi ee qaran ee sharciga ah.

Ujeedooyinka ururkani Waa qaar si dhab ah uga turjumaya himilooyinka dadweynaha reer Somaalilaand higsanayo (aspirations of the people of Somaliland), kuwaas oo salka ku haya taariikhda halgamadii dheeraa ee loo soo maray xornimada dalka, hadday tahay tii isticmaarka la iskaga xoreeyey, iyo hadday tahay halgankii qadhaadhaa ee lala galay taliskii Maxamed Siyaad Barre, halgankaas oo midhihiisu yihiin xasilloonida iyo degenaashaha aynu maanta hadhsanayno marka la barbar dhigo qalalaasaha ka taagan wixii Soomaaliya la isku odhan jiray inteeda kale.

Ka sokow dadaalka madaxda iyo xubnaha ururku u galeen dhismaha ururka waxa aan la iloobi karin taageerada balaadhan ee dhinacwalba leh ee ururku ka helay shacbiweynaha Somaliland taaso xisbiga KULMIYE u suurto gelisay inuu gaadho guulo waawayn muddadii gaabnayd ee uu dhisnaa. Xisbiga KULMIYE si u taaba geliyo hanka shacbiga reer Somaliland waxa lagama maarmaan ah inuu helo taageradooda oo aan kala go' lahayn.

Waxa sharaf noo ah muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay inaanu ku marti qaadno XUBINIMADA ururka anaga oo jecel in aad marka hore akhrisataan MANIFESTADA xisbiga.

Allaa Mahad Leh


 

 

 
KULMIYE Party Of Somaliland Republic
webmaster @ kulmiye . com