Blog Page

Gudoomiye Siilaanyo Oo Madaxweynaha Loo Doortay Maraykan Ugu Hambaliyaynaya Guusha Taariikhiga Ah !

Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee KULMIYE, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Maraykanka, Senator Obama, isaga oo ugu hambalyeeyey guusha taariikhiga ah ee uu ka soo hooyey doorashada. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Axmed Siilaanyo, dhambaalkiisa waxa uu sheegay, isagoo ku hadlaya magaciisa, kan xisbiga KULMIYE iyo ka qoyskiisaba inuu hambalyo ...

Read More »

Weerarradii Argagixiso oo Daaha ka Fayday Galdaloolooyinka Amniga Somaliland (Source/ Jam)

Hargeysa (Jam)- Weerarradii argagixiso ee 29 October 2008 ka dhacay caasimadda Hargeysa, ayaa waxay daaha ka rogeen goldaloolooyin baahsan hore u dahsoonaa oo ka muuqda ilaalinta amniga guud ee qaranka Somaliland. Falalkii argagixiso ee ka dhacay Hargeysa oo ahaa kuwo si weyn loo qorsheeyey oo muddo badan laga shaqaynayey, isla markaana lala beegsaday bartilmaameedyo sahankooda si wanaagsan loo sugay, isla ...

Read More »

Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar Oo Socdaal Rasmi ah Ku Yimid Dalka Sweden

November 2nd, 2008 Stockholm, Arbaca 29/10/2008. Waxa maanta booqasho shaqo ku yimid Sweden , xoghayaha arimaha dibedda ee xusbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumer, halkaas oo kaga qayb galayo shirweynaha caalamiga ah ee xisbiyada dimuqaraadiga ee qaarada yurub ee loo yaqaano ELDR. Shirkaas oo lagu casumay dalal badan oo aduunka ka mid ah. Kana dhici doonaa caasimada Stockholm ee dalka ...

Read More »

Qurba jooga Xisbiga Kulmiye Oo Cambaaraynaya Falalkii Argagixiso Ee Arbacadi Ka Dhacay Magaalada Hargeysa, Waxayna Tacsi U Dirayaan Xukuumada Iyo Shacabka Reer Somaliland

Dhamaan tageerayaasha xisbiga kulmiye ee qurba jooga ah waxay cambaraynayaan weerarkii qaraxyada argagixisada ahaa ee lala beegsaday dadka aan waxba galabsan, waxayna tacsi u dirayaan dhamaan qaraabadii iyo eheladdii ay ka geeriyoodeen dadkii weerarka qaraxyadda ahaa ku naf waay iyo kuwii ku dhaawacmay goobahaas oo kala ahaa: Qasrigga Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland ,Xafiis ganacsiyeedka dalka itoobiya iyo xafiiska hay‘ada UNDP ee ...

Read More »

Wararka Wargeyska OGAAL, Khamiis: Magacyada Dhimashada iyo dhaawaca Qaraxyadii Argagixiso ee shalay

October 30th, 2008 Hargeysa (Ogaal)- Siday tibaaxeen Wararkii ugu dambeeyay ee xalay laga soo xigtay hawl-wadeenada Caafimaadka, ilaa 21-qof ayaa ku geeriyooday Qaraxyadii xidhiidhka ahaa ee lala beegsaday Xafiiska UNDP, Safaaradda Itoobiya iyo Xarunta Madaxtooyada Somaliland. Isla markaana waxa la sheegay in soddomeeyo kale ay gaadheen dhaawacyo kala duwani, kuwaas oo qaarkood isla shalayba loo duuliyay dalka Jabuuti. Xogaha laga ...

Read More »

Faahfaahin Dheeraad Ah Qaraxyadii Ka Dhacay Hargeysa

Faahfaahin Dheeraad Ah Qaraxyadii Ka Dhacay Hargeysa October 29th, 2008 Hargeysa (Somaliland.org) – 19 qof oo uu ku jiro Xoghayihii Xafiiska Madaxweynaha, Alle ha u naxariistee, Daahir Cali Iid ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen, 28 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo waaweyn oo saaka ka dhacay Saddex meelood oo kala duwan oo ay ka mid tahay xarunta ...

Read More »