NEWS

Rayaale oo ishortaagay Go’aan Lagu Xalliyey Khilaaf ka Dhashay Magacaabistii Komishanka Gobollada Galbeedka

  March 20th, 2008 [News] | Kulan albaabadu u xidhnaayeen oo ay labadii maalmood ee u dambeeyey ku hawlanaayeen guddi ka kooban sagaal xubnood oo Komishanka Doorashooyinku u saaray xal-u-helidda khilaaf ka dhashay magacaabistii guddiyada doorashooyinka ee gobollada Hargeysa, Awdal iyo Saaxil, ayaa shalay si rasmi ah u burburay, kadib markii Madaxweyne Rayaale ishortaagay go’aankii guddigu soo saaray. Liiska magacyada ...

Read More »

Gudoomiyihii Komishanka Oo Is Casilay, Sababtu Se Maxay Tahay?

  Guddomiyihi Koomishanka Oo Iscasilay, Sababtuse Maxay Tahay? March 20th, 2008 [News] | Hargeysa (Somaliland.Org) Guddomiyaha koomishanka qaranka Somaliland Md Maxamed Yuusuf ayaa iska casilay jagadii guddomiyenimada koomishanka qaranka. Sidaas waxa xaqiijiyey warar u dhuun daloola Md Maxamed Yuusuf, walow aanu isagu weli warkaas si toos ah u xaqiijin. Ma cadda sababta Md Maxamed Yusuf isaga casilay xilkaas, hase ahaatee, ...

Read More »

Shirweynihii Labaad Ee Xisbiga KULMIYE Oo Bilaabmaya Bisha March 29 Keeda Soconna Doona Ila Bisha March 31 Keeda

SO Shirweynihii Labaad Ee Xisbiga KULMIYE Oo Bilaabmaya Bisha March 29 Keeda Soconna Doona Ila Bisha March 31 Keeda Shirweynaha xisbiga KULMIYE oo bilaabmaya bishan March 29 socon doona illa bisha 31 keeda, waxaanu si joogto ah idiinku soo bandhigi doona wararka maalinkasta iyo saacad kastaba. Waxa wararku nagu soo gaadhayaan in dhamaan xubnihii xisbiga ku sugnaa dalku ay si ...

Read More »

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Maxamud Siilaanyo Oo Tacsiyadeenaya Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuun C/xakiin Sheekh Maxamed G

March 15th, 2008 [Press Release] | KU: DHAMMAAN SAXAAFADDA TACSI Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaashaba, waxaa uu tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuun C/xakiin Sheekh Maxamed Geelle, oo ka mid ahaa Macalimiinta Jaamacadda Burco, oo shil baabuur ku geeriyooday maalintii shalay 14.03.2008 jidka u ...

Read More »

Dawladda Maraykanka oo Markii u Horreysay Caalamka ugu Baaqday in la Taageero Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland

Dawladda Maraykanka oo Markii u Horreysay Caalamka ugu Baaqday in la Taageero Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland Washington (VOA/Jam)- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Jendayi Frezer, ayaa markii u horreysay beesha caalamka ugu baaqday in la taageero qaddiyadda aqoonsiga Somaliland. Dr. Frazer waa ay ku tilmaantay Somaliland dal uu ka jiro daganaansho iyo ammaan mudan in lagu tixgeliyo, ...

Read More »

‘Haddii Doorashada La Qaban Waayo Waxa Yaalla Xeerkii Annaga Komishanka Lagu Dhaqay Ee Ahaa Albaabada Ka Xidha,’ C/laahi Jawaan

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 12 July, 2007 Hargeysa (Somaliland.org) – Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka, Cabdillaahi Cabdi X. Cumar (Cabdillaahi Jawaan) iyo Muj. Jidhif ayaa uga digey Madaxweyne inuu dib u dhigo Doorashooyinka soo socda. Cabdillaahi Jawaan iyo Jidhif oo ka mid ah siyaasiyiin maanta ku biiray xisbiga KULMIYE, waxay ka jawaabayeen dareemo beryahan dambe soo baxay oo sheegaya ...

Read More »

Siyaasiyiin Miisaan Leh Oo Ku Biiray Xisbiga KULMIYE Oo Lagu Qaabiley Xaflad Ballaadhan

Afartaa xubnood oo kala ah; Wasiirkii hore ee Duulista Hawada, mudane Abiib Diiriye Nuur, Guddoomiyekuxigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Cabdillaahi Cabdi X. Cumar (Cabdillaahi Jawaan) oo isagu aan xisbina ka tirsanayn, Muj. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) oo ka mid ahaa saraakiishii SNM, isla markaana sheegay in aanu marna xisbi ku biirin iyo Cali Xasan Sheekh-doon oo xubin ka ahaa Golihii hore ee Wakiillada, kana tirsanaa Golaha Dhexe ee xisbiga UDUB; waxa xaflad soo dhoweyn ah loogu qabtay maanta Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kaga dhawaaqeen mawqifkooda cusub, isla markaana ay kaga warameen sababaha ku kellifey inay mawqifkooda beddelaan.

Read More »

Wareysi Khaasa Oo Jariidada Jamhuuriya La Yeelatay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Siilaanyo

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo labadii toddobaad ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa waraysi khaas ah oo uu Jamhuuriya la yeeshay ku faahfaahiyey ujeeddadii ka dambaysay iyo waxyaabihii lagaga wadahadlay shir Isniintii habeen hore ka dhacay hoteelka City Plaza ee Burco.

Read More »