NEWS

Dadweynaha Xaafadda Sheekh Nuur ee Hargeysa oo soo Dhaweeyey Guddoomiyaha KULMIYE oo Booqday

Hargeysa (KULMIYE)- Dadweynaha xaafadda Sheekh Nuur ee degmada Gacan Libaax ee caasimadda Hargeysa, ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ugu tagay. Guddoomiyaha, ahna murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday goobo ka mid ah kuwa bulshadu ku kulanto ee xaafadda Sheekh Nuur, isagoo kulamo xogogaal u noqosho iyo sheeko ...

Read More »

Guddoomiye Muuse Biixi oo Booqday Goobaha Dadweynuhu ku Kulmaan ee Degmada Axmed Dhagax iyo Cusbitaalka Edna

Soo dhawayntii farxaddu ku dheehnayd iyo nuxurka hadalladii qaabiladda iyo dareen-celintii Murrashax Muuse Biixi Hargeysa (KULMIYE)- Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday goobo ka mid ah kuwa dadweynuhu ku kulmaan ee degmada Axmed Dhagax iyo cusbitaalka Enda Aden ee magaalada Hargeysa. Booqashadan oo aan hore loo sii qorshayn, ayaa murrashax Muuse Biixi si ...

Read More »

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada oo Sharci-darro ku Tilmaamay Kooxda Isbahaysiga Murrashaxiintii KULMIYE

Hargeysa (KULMIYE)- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay magaca isbahaysiga KULMIYE ee ay adeegsadaan kooxda siyaasiyiinta ka cadhooday shirkii 5aad ee Golaha Dhexe ee xisbigaasi horraantii bishii November ku doortay murrashaxa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa uga qaybgali doona doorashooyinka soo socda. Xildhibaan Koore waxa uu sheegay kooxdaasi ku kaceen sharc-jebin iyo tallaabo ...

Read More »

Murrashax Muuse Biixi oo Casuumad ka Helay Abtiyaashii iyo Dardaarankii Xaaji Cabdi-waraabe

Hargeysa (KULMIYE)- Odayga Somaliland xildhibaan Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), ayaa dardaaran waayeelnimo siiyey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo mar labaad xaflad maamuus ah ay u sameeyeen reer abtigii. Xaflad casho-sharaf loogu sameeyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi huteelka Star ee magaalada Hargeysa, kadib murrashaxnimada loogu doortay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE dhawaan, taas oo ay ...

Read More »

Hoggaanka KULMIYE oo ku Dardaarmay Ilaalinta Xisbinimada iyo ka Qaybgalka Diiwaangelinta

Garabka Haweenka KULMIYE oo Hambalyo iyo Dhiirigelin u Sameeyey Murrashaxiinta Madaxweyne iyo Ku-xigeenka Xisbigu Doortay Hargeysa (KULMIYE)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye-ku-xigeenkiisa kowaad Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dardaarmay ilaalinta nidaamka xisbinimo iyo ka qaybgalka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo la filayo in dhawaan Guddiga Doorashooyinku bilaabaan si loogu galo doorashooyinka soo socda. ...

Read More »

“Doorashada KULMIYE waxay Aniga ii ahayd guul siyaasi ah…Muuse Biixi waxa uu ka soo baxay dugsiga uu Axmed Siilaanyo ku soo aflaxay”

Hargeysa (KULMIYE)- Wasiirkii hore ee Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Somailand Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa ku tilmaamay guul siyaasi ah oo uu gaadhay natiijada doorashadii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ku soo saareen murrashaxiinta madaxweyne ee Muuse Biixi iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici. Dr. Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay in fikir siyaasi ah oo ay jirtay waqti uu keli ku ...

Read More »

Wasiir Xaglo-toosiye oo Caddeeyey inuu Qancay Natiijada Doorashadii Golaha Dhexe ee KULMIYE

Hargeysa (KULMIYE)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa mar kale ka hadlay mowqifkiisa natiijadii ka soo baxday doorashadii Golaha Dhexe ee KULMIYE uu ku tartamay jagada madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga uga qaybgali doona doorashooyinka guud ee dalka, kaasi oo uu ku guulaystay Madaxweyne-ku-xigeenka hadda xilka haya Md. Cabdiraxmaan Saylici. Dr. Xaglo-toosiye oo casuumad mahadnaq ah hoolka shirarka ee ...

Read More »

Khudbaddii Guddoomiyaha KULMIYE ee ka Jeediyey Shirkii 5aad Golaha Dhexe ee Murrashaxnimada loogu Doortay

Mahadnaq: Madaxweynaha Jamhuuriydda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siiraanyo), Aas-aasihii Xisbiga KULMIYE, Xubnaha Golayaasha Qaranka ee kala duwan, xubnaha sharafta mudan ee Golaha Dhexe marti-sharafta, Dhallinyarada, Haweenka, Ergooyinka Beesha Caalamka, Xisbiyada Qaranka, Saxaafadda, dhammaantiin ASCW. Kal fadhiga 5aad ee Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, waxa aan ka mahad-celinayaa sida sharafta, maamuuska iyo milgaha leh ee aad iigu doorateen in aan ...

Read More »