NEWS

Khudbaddii Madaxweynaha Somaliland ka Jeediyey Shirweynaha 5aad ee Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE

Kulmiye Party

  SALAASA, 10/11/2015   Bismillaahi Raxmaani Raxiim   Hoggaanka, Guddida Fulinta, Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo marti sharafta kale ee ka soo qayb gashay madashan, Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu. Mudanayaal iyo Marwooyin; Ugu horeyn, mahad oo dhani, waxaa iska leh Allaheenna weyn, ee inagu manaystay nimcooyinkiisa kala duwan, gaar ahaanna maanta inoo suurtogeliyey, in aynu nabad ...

Read More »

KULMIYE oo cambaareeyay weerar lagu qaaday goob Diiwaan-gelineed oo ku taalla degmada Lughaya

Hargeysa(Somaliland, Xisbiga  KULMIYE, ayaa cambaareeyay weerar  lagu qaaday goob diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu ka socotay oo ku taalla deegaan hoos yimaada degmadda Lughaya ee gobolka Awdal. Sidaasna waxa caawa sheegay Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdadan, waxaanu qoraalkiisu u qornaa sidan: Xisbiga KULMIYE waxa uu si adag u cambaaraynayaa weerar lagu qaaday goob ay ka ...

Read More »

Guddoomiye Muse Bixi oo maanta ka qayb galay shirkii Golaha wasiirrada

Aug 7/2014, Guddoomiyaha Xisbul xaakimka Somaliland mudane Muse Biixi  Cabdi ayaa maanta ka qayb galay kulankii toddobaad laha ahaa ee golaha wasiirrada, muuse ayaa hadal kooban oo uu madasha ka jeediyey kaga codsaday golaha wasiirrda inay xisbiga wada jirkiisa soo celiyaan mar haddii la dhammeeyey xanaftii ka dhalatay loollankii siyaasadeed ee dhowaan la gallay.             ...

Read More »

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo arrimo kala duwan ka hadlay

Hargeysa, Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ka tacsiyadeeyay xubno ka tirsan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya oo ku dhintay dagaal dhex maray kooxda Al-shabaab, waxaanu ku baaqay in dalalka mandaqadu ay ka digtoonaadaan halista kooxdaasi. Guddoomiyaha KULMIYE oo xalay u warramayay TV-ga Horn Cable, waxa uu ku dooday in xisbigoodu yahay ...

Read More »

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo beeniyey inu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Silanyo

HARGEYSA, Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa beeniyay jiritaanka war sheegayay in Hoggaanka sare ee xisbiga iyo Madaxweynuhu is khilaafsan yihiin. Waxaanu ku dooday in kalsoonida ay isku qabaan isaga iyo Madaxweyneynuhu ay tahay 100%.

Read More »

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga oo beeniyey in Oodweyne Lagaga Mudaharaaday Weftigii Wasiirka Madaxtooyada

Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga somaliland- Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Mudane Bashiir Cabdi Xariir, ayaa beeniyay in maanta Magaaladda Oodweyne ee xarunta gobolkaq Daad-madheedh lagaga mudaharaaday wefti uu Hoggaaminayay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland oo socdaal shaqo ku maraya goboladda Daadmadheedh iyo Oodweyne. Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga oo xubin ka ah weftiga Wasiirka madaxtooyadda oo beeniyay war ay qorayeen ...

Read More »

Shirweynaha KULMIYE oo Dib loo Dhigay

Hargeysa, Shirweynaha 3aad xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa dib loo dhigay muddo ku dhaw bil iyada oo la filayey inuu qabsoomo 25-ka bisha December 2013. Shir ay isugu yimaadeen xubnaha Guddiga Qabanqaabada Shirweynaha KULMIYE iyo hoggaanka xisbigu, ayaa lagaga dhawaaqay in shirweynaha la qaban doono dabayaaqada bisha kowaad ee sannadka cusub 2014.

Read More »