NEWS

Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Columbus , Ohio

Maanta oo ay taarikhdu ahayd 17/01/2009, waxa magaaaladda Columbus, Ohio ee carriga Maraykanka xaflad heer sare ah loogu qabtay guddoomiyaha urur siyaasadeedka QARAN Dr. Mohamed Abdi Gaboose iyo wefti uu hogaaminayo, oo beryahanba safarro ku marayey waddankan Maraykanka. Safarkan Dr. Gaboose ayaa la xidhiidha olole siyaasaddeed (campaign) siddii la isugu xidhi lahaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee North America iyo taageerayaasha ururka QARAN, iyo sidii dhaqaale ururin loogu samayn lahaa xisbiga KULMIYE (fund-raising). Haddaba xafladdan oo si heer qaran ah u dhacday ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan bulshaweynta reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Columbus, ee gobolka Ohio. Haddaba ugu horrayn waxaa xafladaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE North America ahna guddoomiyaha xisbaga KULMIYE ee Columbus, Ohio, Mr Saxardiid Mohamed Shaacir oo u mahad celiyey bulshaweyntii reer Somaliland, sida diirran ee ay uga soo qayb galeen xafladdan. Muddo yar ka dib waxaa microphone ka lagu soo dhaweeyey guddoomiyaha ururka QARAN Dr. Mohamed Cabdi Gaboose, oo shacabkii ugu mahad naqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen. waxaanu Dr. Gaboose ka warramay marxaladihii uu waddanku soo maray iyo xaaladda uu imika ku sugan yahay, waxa kale oo uu ka warramay dhibaatooyinka waddanka ka taagan dhinac kasta.
Xafladda Soo Dhawaynta Dr. Gabose, Columbus, Ohio

Xafladda Soo Dhawaynta Dr. Gabose, Columbus, Ohio

Wuuxu sheegay Dr. Gaboose in uu maadaxweyne ina Rayaale waddankii ka dhigay (monopoly) oo wax kasta u xidhay cid gaar ah:
  • Shidaalkii waxaa loo xidhay shirkadda total o qudha
  • Adhigii waxaa loo xidhay nin carab ah
  • Warshaddii sibidhka ilaa imika waa siddeeda ka dib markii uu dahir rayaale yidhi waxaan ku wareejiyey shirkad jarmal ah, oo dhagaxntii weli halkii ayey taalaa
  • Waddankii dhalinyaraddii way ka yaacday oo waxay ku xidh xidhan yihiin xabsiyadda Liibya iyo Suudaan
  • Goloyaashii qaranku uma shaqeeyaan si madax banaan
Waxaas oo dhibaato ah waxa uu Dr. Gaboose dusha ka saaray xukuumadda ina Rayaale. Waxa kale oo uu Dr. Gaboose ka waramay xadhigoodii, sababtii loo xidhay iyo waxyaabaha ku kalifay in ay taageero siyaan xisbiga KULMIYE (indorsement). Dr. Gaboose waxa uu sheegay in uu xisbiga KULMIYE yahay xisbiga keliya ee oggol in la furo xisbiyo. “Markii aanu aanu eegnay saddexda xisbi QARAN ee doorashadda u tartamaya waxay nala noqotay xisbiga wadddanka badbaadadiisu ku jirto waa KULMIYE, markaas hiil iyo hooba ha la isla garab taago xisbiga KULMIYE iyo Muj Siilaanyo” sidaa waxa yidhi Dr. Gaboose. Gebogebaddii xafladda su’aalo la waydiiyey Dr. Gaboose ka dib waxaa halkaa shahaado sharaf ku kudoonsiiyey ururka dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo la yidhaaho (UBAD), waxaana shahaadada gudoonsiiyey guddoomiyaha ururka (UBAD) Mr Ahmed Hassan. Free Jornalist Abdisalam Mohamed Buraleh csalaan2003@hotmail.com
Dr. Gabose oo socdaal ku maraya dalka Maraykanka

Dr. Gabose oo socdaal ku maraya dalka Maraykanka

Dhalinyarada ka qaybqaadatay soo dhawaynt Dr. Gabose

Dhalinyarada ka qaybqaadatay soo dhawaynt Dr. Gabose

Dr. Gabose oo soo dhawayn diirran oo lagu qaabilay

Dr. Gabose oo soo dhawayn diirran oo lagu qaabilay

Read More »

Cida kaliya ee legitimate ahi waa Baarlamaanka Shacbiga ayaa soo doortay

Burco(Geeska) Gudoomiyaha xisbiga Mucaaridkaa ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ayaa naqdiyay Khudbadii uu manta Madaxweyne Daahir Riyaal u jeediya labada gole ee Barlamaanka Somaliland . Axmed Siilaanyo oo shir jaraaid ku qabtay xalay Hoteel City plaza waxa kale oo ka hadlay xaaladaha nolosha isbadashay iyo xiliga mudada dhamaanaysa ee 15may oo xisbiyada Mucaaridkaa ay sheegeen in aanay aqonsanayn shirki ...

Read More »

Saddex qof oo ku dhintay Muddaharaad Shaqaaqo wata oo ka dhacay Hargeysa, waanwaanta xukuumadda iyo jawigii magaalada

Saddex qof oo ku dhintay Muddaharaad Shaqaaqo wata oo ka dhacay Hargeysa, waanwaanta xukuumadda iyo jawigii magaalada April 27th, 2008 [News] | Hargeisa © Yusuf Dahir Hargeysa (Somaliland.org) – Saddex qof oo shicib ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen, tiro kale oo badanina way ku dhaawacmeen iska horimaad dhexmaray ciidanka Booliska iyo boqollaal dadweyne ah oo muddaharaadayey, maanta magaalada ...

Read More »

Golaha Wakiilada Somaliland Ayay Ka Wakiil Yihiin Oo Hee Dheh Yay se U Wakiil Yihiin?

Editorial Golaeha wakiilada Somaliland waxaa si toos ah u soo doortay shacabweynaha  lixda gobol ee dalka  Soamaliland ka koobanyahay. Waa golaha kaliya ee baarlaman ee ku fadhiya sharciyad buuxda. Golaha wakiilada waxaa hadaba awoodoodii gole ahaaneed curyaamiyay xukuumada Dahir Rayaale oo runtii kula dhex jirta hagardaamooyin fara badan iyo sharciyadii golaha ka soo baxayay oo aan xukuumadu ka hoos qaadayn. ...

Read More »

Press Release by the Expatriate Community of Somaliland – Somaliland American Council

Press Release by the Expatriate Community of Somaliland – Somaliland American Council April 18th, 2008 [Press Release • xw] | Somaliland American Council Press Release Immediately Press Release April 14, 2008 Press Release by the Expatriate Community of Somaliland Over the years the Somaliland expatriate community has been instrumental in supporting initiatives on towards democratization, self-determination and recovery undertaken by ...

Read More »