Kulmiye_party

Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE oo lagu doortay xubno cusub, kuwo la eryay iyo wax-ka-bedelka Xeerka

Hargeysa (KULMIYE.ORG)- Golaha Dhexe ee xisbiga talladda dalka haya ee KULMIYE ayaa maanta xilkii, xubinimadii Golaha dhexe iyo xubinimaddii xisbiga ka saaray Guddoomiye Ku xigeenkii 2-aad ee xisbigaasi Md. C/Raxmaan C/Qaadir oo lagu eedeeyay inuu ku xad-gudbay siyaasadii iyo xeerarkii xisbiga KULMIYE. Ka dib markii uu warbaahinta dhawr jeer ka cambaareeyay kana naqdiyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ka dhalatay xisbigaas.

Read More »

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo ka hadlay shirka Golaha dhexe iyo Guulihii xukuumaddu gaadhay

Hargeysa (Kulmiye.Org)   Gudoomiyuhu wuxuu xusay in doorashadii ku xigtay ee dalka ka dhacday bishii April sannadkii 2003dii uu ka helay Codadkii la dhiibtay Boqolkiiba Laba iyo Afartan isla markaana uu kaalin sare ka galay doorashadii Golaha Wakiilada ee 29 Sep 2005-tii wadanka ka qabsoontay,waxaa kale oo Gudoomiyuhu intaas ku daray in doorashadii u danbaysay ee Madaxtooyada ee Somaliland ka hirgashay ...

Read More »

Xisbiga KULMIYE oo Cayimay Shirweynaha Golaha dhexe

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)- Xisbul-xaakimka KULMIYE, , ayaa ku dhawaaqay Maalinta shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga oo ah, 14-ka bishan April, baaqna u diray dhammaan xubnaha Golaha dhexe inay yimaadeen Xarunta ka hor shirka Golaha Dhexe. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Golaha dhexe Jaamaca Shabeel, Xogahaya Xasan Siciid Yuusuf, Xildhibaan Siciid Cilmi iyo masuulliyiin kale oo saaka shir jaraa’id ku ...

Read More »