Kulmiye_party

Tallaabda Rayaale kula Kacay Qoyska Reer Xaji Maxamed Ducaale Diiriye (Ilma Kulmiye),Waxa ka Xishooday Gacan Ku Dhiigle Janaraal Moorgan

5/06/2010 – Hargeysa (Kulmiye.org)-Ururka wadaniga ah ee Horseed ee Gobolka Hargeysa, ayaa si ba’an u cambaareeyay weerarkii waxshinimada ahaa ee 2 June 2010 ay ciidamada ilaalada madaxtooyad Dahir Riyaale ku qaadeen qoyska reer Maxamed Ducaale Diiriye, ee degan gurigooda ka soo hor jeedka madaxtooyada, islamarkaana ku tilmaamay falkasi inuu yahay arrin foolxun oo ka soo hor jeeda dhaqankeena. Waxaanay ku ...

Read More »

Kulan Dhex Maray Wasaarada Iskaashigga Boqortooyada Ingiriiska iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE

London (KULMIYE.ORG)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa wargayska Jamhuuriya Times ee ka soo baxa magaalada London ee carriga Ingiriiska uga xog-warramay natiijada kulan uu la yeeshay Wasaaradda Iskaashiga iyo Mucawimada ee Britain Ingiriiska iyo qaar ka mid ah hay’adaha Gargaarka lana xidhiidha qorshayaal ku jahaysan shaqaalaha dawladda Somaliland hadday tartanka doorashada ku guulaystaan.

Read More »

Madaxda Xisbiga KULMIYE oo Kumanaan Dadweynaha Reer Hargeysa ah Kula Hdlay Fagaaraha Beerta Xoriyadda.

Hargeysa-(KULMIYE.ORG):- Kumannaan qof oo ka mid ah taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa maanta isu soo bixii ugu ballaadhnaa ee ololaha doorashada Madaxtooyada ka sameeyey Magaalada Hargeysa, kuwaasoo Hoggaanka sare ee KULMIYE kala hadleen fagaaraha Beerta Xorriyada ee Caasimadda. Isla markaana waxay xukuumadda Rayaale ku dhalliileen wax qabad la’aan, dib-u-dhac, Musuqmaasuq, Boob hanti dadweyne iyo ku tumasho shuruuceed.

Read More »