Demo Blog With Map

Hargeysa: Xisbiga KULMIYE oo Buugaag ku Wareejiyey Maktabadaha Akhriska ee Maxamed Mooge iyo Gaandi

Hargeysa (KULMIYE)- Xisbiga KULMIYE, ayaa buugaag ka mid ah kuwa la xidhiidha suugaanta iyo dhaqanka Soomaalida ku wareejiyey maktabadaha Maxamed Mooge iyo Gaandi ee magaalada Hargeysa oo ah goobo dhallinyaradu wax ku akhrisato. Masuuliyiinta ka tirsan xisbiga KULMIYE, ayaa 25 nuqul oo ka mid ah buugga cusub ee Bad Macaan ee lagu ururiyey qaybo ka mid ah suugaanta Abwaanka caanka ...

Read More »

KULMIYE oo ku Sagootiyey Suldaanka guud ee Bariga Sanaag ka Wadashaqaynta Qaranimada Somaliland

Hargeysa (KULMIYE)- Xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa casuumad sagootin ah u qabtay Suldaanka guud ee beesha deegaanka bariga Gobolka Sanaag Suldaan Siciid Sul. Cabdisallaan Sul. Maxamuud Garaad Cali Shire oo muddooyinkii u dambeeyeyba ku sugnaa magaalada Hargeysa. Casuumad qado ka dhacday huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa shalay, oo uu sameeyey Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ...

Read More »

Guddoomiyaha KULMIYE oo Baaq lagu Gaadhi karo Xal u Diray Siyaasiyiinta ka soo Horjeeda Somaliland

Hargeysa (KULMIYE)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa baaq la xidhiidha dariiqa loo mari karo xal waara oo laga gaadho tabashooyinka u diray siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee ka soo horjeeda madaxbannaanideeda Qaranimo. Guddoomiyaha iyo murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa uu sheegay in Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo xuduudaheeduba la da’ yihiin dalalka Afrikaanka ...

Read More »

Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu Horkacayey oo si Wayn loogu Qaabilay Caynaba

Hargeysa (KULMIYE)- Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayey oo socdaal ku tagay magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey halkaasi. Guddoomiyaha iyo murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo weftigiisa oo ay xubno ka ahaayeen hoggaanka sare ee xisbiga iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda, kuwaas oo ujeeddada ...

Read More »

Dadweynaha Xaafadda Sheekh Nuur ee Hargeysa oo soo Dhaweeyey Guddoomiyaha KULMIYE oo Booqday

Hargeysa (KULMIYE)- Dadweynaha xaafadda Sheekh Nuur ee degmada Gacan Libaax ee caasimadda Hargeysa, ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ugu tagay. Guddoomiyaha, ahna murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa booqday goobo ka mid ah kuwa bulshadu ku kulanto ee xaafadda Sheekh Nuur, isagoo kulamo xogogaal u noqosho iyo sheeko ...

Read More »

Guddoomiye Muuse Biixi oo Booqday Goobaha Dadweynuhu ku Kulmaan ee Degmada Axmed Dhagax iyo Cusbitaalka Edna

Soo dhawayntii farxaddu ku dheehnayd iyo nuxurka hadalladii qaabiladda iyo dareen-celintii Murrashax Muuse Biixi Hargeysa (KULMIYE)- Guddoomiyaha, ahna Murrashaxa xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa booqday goobo ka mid ah kuwa dadweynuhu ku kulmaan ee degmada Axmed Dhagax iyo cusbitaalka Enda Aden ee magaalada Hargeysa. Booqashadan oo aan hore loo sii qorshayn, ayaa murrashax Muuse Biixi si ...

Read More »

Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada oo Sharci-darro ku Tilmaamay Kooxda Isbahaysiga Murrashaxiintii KULMIYE

Hargeysa (KULMIYE)- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa sharci-darro ku tilmaamay magaca isbahaysiga KULMIYE ee ay adeegsadaan kooxda siyaasiyiinta ka cadhooday shirkii 5aad ee Golaha Dhexe ee xisbigaasi horraantii bishii November ku doortay murrashaxa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa uga qaybgali doona doorashooyinka soo socda. Xildhibaan Koore waxa uu sheegay kooxdaasi ku kaceen sharc-jebin iyo tallaabo ...

Read More »

Murrashax Muuse Biixi oo Casuumad ka Helay Abtiyaashii iyo Dardaarankii Xaaji Cabdi-waraabe

Hargeysa (KULMIYE)- Odayga Somaliland xildhibaan Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), ayaa dardaaran waayeelnimo siiyey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo mar labaad xaflad maamuus ah ay u sameeyeen reer abtigii. Xaflad casho-sharaf loogu sameeyey Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi huteelka Star ee magaalada Hargeysa, kadib murrashaxnimada loogu doortay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE dhawaan, taas oo ay ...

Read More »