Demo Blog With Map

Maanta UDUB iyo KULMIYE-ba waxa u Madaxweyne ah Murrashaxa Axmed Siilaanyo..’ Suldaanka Guud Subeer Awal

Hargeysa (Jam/KULMIYE.ORG)- Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan, ayaa daboolka ka qaaday in shirar beryahanba u socday salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka beeshu ay ku go’aansadeen in beelaha Subeer Awal taageeradooda siyaasadeed ku xoojiyaan Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay u arkeen nin dalka ka saari kara maxladda uu ku jiro.

Read More »

Xisbiga KULMIYE Oo Xog-waran Ka Bixiyey Kulan Ay Maanta La Yeesheen Wefti Sare Oo Ka Socday Dalka Ingiriiska

Hargeysa (Oodweynenews)- Xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa maanta kulan muhiim ah Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa kula yeeshay wefti sare uu hogaaminayey Safiirka waddanka Ingiriiska u qaabilsan midawga Afrika ee fadhigiisu yahay magaalada Adis-ababa. Sidan-na waxa u xaqiijiyey shabakada wararka ee Oodweynenews.com Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo aanu maanta waraysi kula yeelanauy Hotel

Read More »

Isusoo-baxa Taageerayaaklka Kulmiye ee Magaalada Ceerigaabo

CEERIGAABO(Kulmiye.org)-  Waxa mar kale maalintoodii afraad fagaaraha beerta Xorriyadda ee Ceerigaabo isugu soo baxay taageerayaalka xisbiga Kulmiye  kuwaas oo halkaas kusoo bandhigay Boodhadhka ay ku qoran yihiin halku-dhegyo ka turjumaya taageeradooda xisbigan  Sawirrada guddoomiyha xisbigan iyo kuxigeenkiisa iyo weliba calammada iyo calaamdda xisbigan. Isusoo-baxan waxa taageerayaalka kala qayb galay  Xubno sar-sare oo xisbigan ah  Xildhibaanno golaha wakiillada iyo Ganacsatada caanka ...

Read More »