Guddoomiyaha KULMIYE oo ku Baaqay in Gurmad laga Galo Abaarta Halista ah ee ka Taagan Dalka

Hargeysa (KULMIYE)- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbal-xaakimka haya talada Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku baaqay in gurmad degdeg ah laga galo abaarta adag ee ka jirta degaamo badan oo ka mid ah dalka.

Md. Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay abaarta waqtigan ka jirta Somaliland tii ugu xumayd ee soo marta dalka marka dib loo eego taariikhda, taas oo sababtay xaalad khatar ah oo xoolihii dhimanayaan, dadkiina khatar ku jiro, sidaasi darteedna loo baahan yahay in gurmad loo galo sidii loo badbaadin lahaa dadka.

“Waxaynu is xasuusinaynaa dalkeenna maanta abaar ba’an baa ka jirta oo oday ka sheekee ah, malaha taariikhda haddii dib loo baadho abaartii dhacday 1974-kii iyo tii 1928-kii oo kale, maanta abaar ka wayn baa jirta oo aan biyo iyo baad midna lagu hayn dalkii, xoolihii way dhimanayaan iminka, waxaynu u baahanahay in aynu meel uga soo wada jeedsano oo gurmad ka galno abaarta,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyey xaflad loo sameeyey furitaanka shirkad ka shaqaynaysa Boosta oo magaceeda la yidhaa EMS.

Baaqan Guddoomiyaha, ahna murrashaxa KULMIYE Md. Muuse Biixi, ayaa ku soo beegmaya xilli qalo-dhaan badan oo la xidhiidha xaaladda abaartu ka soo yeedhayso deegaanno kala duwan oo dalka ah, gaar ahaan gobollada galbeedka iyo degaannada Koonfurta iyo Waqooyiga Gobolka Hargeysa, iyadoo ay jiraan dhaqdhaqaaqyo kooban oo gurmad ay sameeyeen masuuliyiin dawladda ka tirsan mooyee aanay jirin cid kale oo dadaal taakulo lala gaadho dadka la tabaalaysan gaajada iyo harraadka abaartu sababtay. Sidoo kale, xubno ka mid ah golaha wasiirrada ayaa wada qiimayn iyo indho-indhayn lagu sameeyo heerka xaaladda abaarta ka taagan gobollada galbeed ee dalka.