Guddoomiyaha KULMIYE oo shacabka ka tacsiyadeeyey geerida Gaashaanle Sare Cismaan Cabdillaahi Siciid 


Hargeysa 15 May 2017

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, Ciidanka Qaranka iyo guud shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Gaashaanle Sare Cismaan Cabdillaahi Siciid oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 15/05/2017 magaalada Hargeysa..
Marxuum Cismaan Cabdillaahi Siciid oo ahaa Madaxa hoggaanka saadka ee Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu ka mid ahaa saraakiisha kaalinta muhiimka ah ka soo qaatay dib-u-xorayntii dalka iyo dib-u-dhiskii ciidanka Qaranka, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka Millatariga. Waxa u Guddoomiyuhu ku tilmaamay Marxuumka inuu ahaa sarkaal hawlkar ah oo ku suntanaa dadnimo wanaagsan iyo Alle ka cabsi badan.
Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadat Al – Firdows ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE