Guddoomiyaha/Murashaxa KULMIYE oo hadhimo-sharafeed u sameeyey Madax-dhaqameediyo Waxgarad kasoo jeeda beelihii dhawaan xurgufto ku dhexmartay Ceel-Afweyn oo nabad isla qaatay-

Hargeysa, 25 March 2017 (Warbaahinta KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda beelihii walaalaha ahaa ee dhawaan ku dagaallamay degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, kuwaas oo Hargeysa u jooga hawlo nabadda la xidhiidha. …

Review Overview

User Rating: Be the first one !
0

Hargeysa, 25 March 2017 (Warbaahinta KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta hadhimo-sharafeed ku maamuusay cuqaal iyo waxgarad kasoo jeeda beelihii walaalaha ahaa ee dhawaan ku dagaallamay degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag, kuwaas oo Hargeysa u jooga hawlo nabadda la xidhiidha.

Kulankan qadada loogu sameeyey cuqaasha iyo waxgaradka labada ardaa ee dhawaan dirirtu dhexmartay, ayaa looga gol lahaa sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo wada-noolaanshaha beelaha walaalaha ee halkaas ku dhaqan iyo sidii taageero buuxda loogu muujin lahaa go’aamada nabadgelyo ee ay labada dhinac dhawaan qaateen.Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga Md. Axmed Cabdi-dheere, Xoghayaha Guud xisbiga Md. Xasan Siciid Yuusuf iyo Afhayeen Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), xubno xukuumadda ka tirsan iyo madax-dhaqameedka labada ardaa ee la casuumay, ayaa madasha goob-joog ku ahaa, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo dardaaran iyo bogaadin u badnaa oo lagu muujinayey yididiillada iyo naruurada cusub ee dhidibada loogu adkaynayo nabad ka aslaaxda deegaanka Ceel-afweyn.
Suldaan Saleebaan Cawil Dirir oo ka mid ahaa madax-dhaqameedkii beelaha Ceel-afweyn, isla markaana hadhimo-shareedka ka qaybgalay, ayaa caddeeyey inay ka go’antahay ilaalinta nabadda la wada guntay, isaga oo madaxdii madasha joogtayna ka codsaday inay wixii awooddooda ka baxsan ee nabaddaas lagu adkaynaya kala qaybgalaan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Annagu haddii aannu dadka halkan fadhiya nahay way naga go’an tahay inaannu nabaddaas xidhno, goobtiina waanu la tagaynaa, laakiin madaxda xisbiga waxaanu uga baahanahay oo aannu ka codsanaynaa inay gacan buuxdaa naga siiyaan gogoshaas iyo wadahadalkaas wixii taageero ah ee aannu uga baahanno.”
Chief Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed iyo Caaqil Xuseen Digaale Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa iyaguna xusay inay adkaynta nabadda dhalatay diyaar u yihiin, isla markaana ay hirgelinteeda iyo ka midho-dhalinteedaba xil weyn iska saari doonaan, waxaanay si weyn ugu mahadnaqeen muhiimadda weyn ee uu hoggaanka xisbiga KULMIYE siinayo nabad laga dhex dhaliyo beelaha walaalaha ee colaaddu ku dhexmartay deegaanka Ceel-afweyn.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Caddaaladda Md. Khadar Axmed Diriye iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde oo isagu kaalin weyn ku lahaa sidii jawi nabadeed looga dhex abuuri lahaa labada beelood ee walaalaha, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay nabaddu leedahay, waxaanay labada dhinac ugu baaqeen inay dariiqa heshiiska nabadgalyo ee ay haatan hayaan ka midho-dhaliyaan oo aanay ka hadhin.
Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Gaafaadhi, ayaa si weyn u ammaanay go’aanka heshiiska ee ay waxgaradka labada dhinaca qaateen, isaga oo caddeeyey in ujeeddada uu xisbigu ka leeyahay hadhimo-sharafeedkan tahay taageero uu nabadda iyo walaaltinimada labada dhinac u hayo, waxaannu yidhi, “Ujeeddada qadadu waa mid lagu taageerayo go’aankii nabadgelyo ee aad labadiina dhinac qaadateen, cid walba oo danta guud iyo walaaltinimada danaynaysana xaq baad ugu leedihiin inay idin sharfaan arrinkaas wanaagsan ee aad samayseen, wax aynaan innagu dhammaysanna cidina inoo dhammayn mayso oo waxa keliya ee horumar lagu gaadhi karaa waa nabadda oo shuruudo badan leh, balse ta ugu muhiimsani tahay in dadku is aaminaan oo daacad la ahaado, isla markaana la ilaaliyo inaanay wadahadalka iyo xidhiidhku kala go’in.”
Gudddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ugu dambayntii madasha soo afmeeray, ayaa u mahadnaqay waxgaradka labada dhinaca ee nabadda wada xidhay, waxaannu sheegay inay xisbi iyo xukuumadba diyaar u yihiin inay garab galaan jawiga nabadeed ee labada dhinac ka dhex abuurmay, “Waayeelka reer Ceel-afweyn ee nabadda soo xidhay waanu u hambaleynaynaa, waanu u ducaynaynaa, sidaas la wada sheegayna nabadda ayuun bay nololi ku jirtaa, waayeelkiina arrinta isu xil saaray ee u guntadayna Ilaahay haka abaalmariyo, annaguna waxaannu idinkula dedaalaynaa oo aynu ka wada midaysanahay inaynu nabaddaas xejino, codsigiinii ahaa nabadda hanalagu taakuleeyana wax alla wixii karaankayaga ah xukuumad iyo xisbiba waanu idinku garab gelaynaa oo idinkaga hadhi mayno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.