Hoggaanka KULMIYE Oo baaq ku aaddan qaadashada kaadhadhka codbixinta u diray shacabka reer Saaxil

3 May 2017

Berbera:(Warbaahinta KULMIYE)-Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere iyo u qaybsanaha xisbiga ee dhinaca komishanka doorashooyinka qaranka Md. Muxumed Aw Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqanka gobolka Saaxil ugu baaqay inay si hagar la’aan ah u qaataan kaadhadhka codbixinta oo ay qaybtoodu ka socoto degmooyinka kala duwan ee gobolka.
Shir jaraa’id oo ay maanta saraakiishani ku qabteen gudaha magaalada Berbera oo ay hawlo shaqo u joogaan, ayey shacabka ku dhiirrigeliyeen inay qaataan kaadhadhka codbixinta si ay u gutaan waajibkooda distooriga ah ee ah inay wax dooran karaan.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere oo ugu horrayn baaq ku aaddan qaadashada kaadhadhka u diray reer Saaxil, ayaa ka warramay muhiimadda ay leedahay inay muwaadiniinta is-diiwaangelisay helaan kaadhadhkii ay codkooda ku dhiiban lahaayeen, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay gabaabsi tahay waqtigii loo qoondeeyey inay kaadhadhkii sii oollaan goobaha ka baxsan caasimadda gobolka ee Berbera.
Axmed Cabdi Dheere waxa uu tilmaamay inay dad badani qaateen kaadhadhkii, balse loo baahan yahay in laga faa’iido maalmaha kooban ee ay fursadda kaadh qaadashadu jirto, maadaama oo waqtigii gobolka la siiyey gabaabsi yahay, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Qaadashada kaadhadhku meel wanaagsan bay maraysaa, waxanse dadka leeyahay maanta wixii ka dambeeya qaadashada kaadhadhku way kasoo dhammaanaysa deegaanno badan oo gobolka ah, waxana ay kusoo ururayaan 14-ka cisho ee dambe labada degmo ee Sheekh iyo Berbera, waxana ay dhammaan shacabka reer Berbera ku guubaabinayaa inay arrintaas xil gaar ah iska saaraan oo aan la is dhiganin, imikana meel wacan bay maraysaa oo dadka 50%(boqolkiiba konton) in ka badan baa qaatay kaadhadhkii, inta hadhayna sidii loo dhammaystiri lahaa halloo diyaar garoobo.”
Muxumed Aw Cabdi oo isagu xisbiga KULMIYE u qaabilsan dhinaca Komishanka doorashooyinka qaranka oo isaguna shacabka reer Saaxil baaq ku aaddan qaadashada kaadhadhka u diray, ayaa si weyn ugu mahadnaqay doorkii ay reer Saaxil ku lahaayeen diiwaangelintii dhammaatay, waxana uu shaaciyey in shacabka looga baahan inaanay tacabkaas hore loo galay khasaarin oo ay kaadhkooda wada qaataan, isaga oo waxgaradka, siyaasiyiinta iyo madax-dhaqameedka gobolkana ugu baaqay inay kaalintooda qaataan,waxana uu yidhi, “Aad baan uga mahadnaqayaa sida hagar la’aanta ah ee ay shacabku hore isugu diiwaangeliyeen, waana gobollada maanta codka ugu badani yaallo oo loo baahan inaan la khasaarinin, dadkuna sidii diiwaangelintii hore oo kale ayey moodayaan in safaf badani jiraan, laakiin sidaas ma aha, dad badani way qaateen kaadhadhka waxana aanu inta hadhay ku guubaabinaynaa inay inta hadhayna kaadhadhka qaataan, madaxda dhaqanka, xildhibaannada iyo siyaasiyiintuba waa inay doorkooda qaataan oo ay u guntadaan sidii dadku kaadhadhka u qaadan lahaayeen.”