BARNAAMIJKA SIYAASADDA EE XISBIGA KULMIYE
TUSMADA BARNAAMIJKA
HORDHAC
1.1 |
Siyaasadda Dibedda |
| |
- Xoojinta iyo Kordhinta wixii
inoo qabsoomay
- Raadinta Ictiraafka Somaliland
- Ka qeybqaadashada Shirarka
Aduunka
- Ka Hawlgalka Xubinimada Ururada
Caalamiga ah
- Xoojinta Xidhiidhka Dawladaha
aan Jaarka Nahay.
|
| |
|
1.2 |
Siyaasadda Guddaha |
| |
- Habka Ismaamulka Dawladdaha
Hoose
- Wax-qabadka kale Arrimaha Gudaha.
|
2.1 |
Caddaaladda iyo Garsoorka |
2.2 |
Ciidamadda Booliiska |
2.3 |
Ciidamada Xooga Dalka |
2.4 |
Miino Saarka iyo Xakamaynta
Hubka Yaryar ee Magaalooyinka Dhexdooda. |
3.1 |
Dhiiri-gelinta Suuqa Xorta ah
ee Dhaqaale |
| |
- Horumarinta Xoolaha iyo Wax
Soo Saarka Beeraha
- Ka Faa'iidaysiga Khayraadka
Badda
- Horumarinta Macdanta iyo Biyaha
- Daaqa iyo Deegaanka
- Ganacsiga iyo Wershadaynta
- Xakamaynta Sicirbararka.
|
| |
|
3.2 |
Dhinaca Tamarta |
| |
- Isticmaalka Hawada iyo Cadceeda
|
| |
|
3.3 |
Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha
(infrastructure) |
3.4 |
Cashuuraha Dalka |
4.1 |
Caddaalada iyo Garsoorka |
4.2 |
Waxbarashada |
4.3 |
Caafimaadka |
4.4 |
Dhalinyarada iyo Isboortiga |
4.5 |
Haweenka |
4.6 |
La Dagaalanka Mukhaadaraadka
iyo Dhaqamada Bulshada |
4.7 |
La dagaalanka Musuq-maasuqa
iyo Ilaalinta Hantida Ummada |
4.8 |
Naafada iyo Agoomaha |
4.9 |
Shaqada iyo Shaqaalaha |
4.10 |
Hiddaha iyo Dhaqanka, Fanka
iyo Suugaanta |
Falsafadda iyo
Ujeeddooyinka Xisbiga
Xisbiga KULMIYE ee Somaliland wuxuu u guntanyahay
ka midho dhalinta ujeedooyinkiisa, kuwaasoo
noqon doona iftiin haga xisbiga iyo taageerayaashiisa
mustaqbalka dhaw iyo ka fogba. Ujeedooyinkaa
Xisbiga oo kala ah:
- Ku dhaqanka, barashada iyo ilaalinta
diinta Islaamka
- Difaaca jiritaanka iyo madaxbanaanida
Jamhuuriyadda Somaliland
- Adkaynta nabadda iyo wadajirka dadka
iyo isku-xidhnaanta gobollada dalka oo
dhan
- Ictiraaf-u-Raadinta Jamhuuriya Somaliland
- Xoojinta xidhiidhka dalalka aynu jaarka
nahay iyo ururrada dawliga ah ee aynu
xubnahooda ka midka nahay ama higsanayno
inaan ka mid noqono
- nidaamka dhaqan-dhaqaale oo ku dhisan
lahaansho gaar ahaaneed, iyo dhiirirgelinta
wax-soo-saarka.
KULMIYE wuxuu u hawlgelayaa sidii aynu
taageero iyo mucaawimo uga heli lahayn,
xidhiidh fiicana ula yeelan lahayn adduunweynaha
iyo hay'addaha caalamiga ah si ay wax innooga
taraan horuminta dalkeena, Horumarinta dalka,
Caddaaladda ijtimaaciga ah ama bulshada
dhexdeeda, Dib-u-Habaynta iyo Dayactirka
Agoomaha & Naafada Somaliland, Ilaalinta
dhaqanka suuban iyo la dagaalanka isticmaalka
mukhaadaraadka, iyo Kobcinta dimoqraadiyada
iyo siyaasada ku dhisan runta,wadaniyada
iyo ka hormarinta danta guud danaha gaar
ahaaneed.
Xisbiga KULMIYE ee Somaliland wuxuu ka
dhabaynayaa aragtida ku salaysan ilaalinta
karaamada qofka muwaadinka ah, rag iyo dumarba,
taasoo astaan iyo tilmaan u ah bulsho kasto
oo dimuqraadi ah.
Xisbiga KULMIYE ee Somaliland waxaa xidha
distuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qawaaniinta
dalka u taala, waxaanu xusul-duub ugu jiraa
ka dhabaynta sinaansho dhaba oo dadka reer-Somaliland
oo dhami gaadhaan iyo dhawritaanka iyo hirgelinta
qadiyada dadka reer-Somaliland xaqa ugu
leedahay bulshada caalamka dhexdeeda.
Isagoo ka dab qaadanaya falsafadan, Xisbiga
KULMIYE ee Somaliland wuxuu si buuxda u
dhawrayaa xuquuqda aasaasiga ah iyo xorriyada
qofka ee sharciga distuuriga ah waafaqsan,
waxaanu xil dheeraada iska saarayaa ilaalinta
xorriyaadkaa ma guuraanka ah.
Sidoo Kale Xisbiga KULMIYE ee Somaliland
wuxuu halkan hoose si kooban idiinku soo
bandhigayaa barnaamijkiisa siyaasaddeed
iyo dhaqaale ee uu ku dhiqi doono dalka,
ka dib markuu talada la wareego (hadii eebe
idmo).
KULMIYE wuxuu kobcinayaa, si dhabana ugu
dhaqmayaa mabaadii'da dimoqraadiga ee aynu
qaadanay, kuwaasoo ay ka mid yihiin:
- Doorashooyin xor ah, caddaalad iyo
sinnaana ku dhaca
- Wada tashi
- Ilaalinta iyo ka-horumarinta danta guud
ta gaarka
- Waxaanu si guud iyo si gaaraba u ilaalinaynaa
xuquuqda muwaadinka iyo tan aadamahaba,
sida distoorkeena, dhaqankeena iyo diinteenuba
dhigayaan.
Istraatijiyadda
Ururka
Istaraatiijiyada ururka waxaa udub-dhexaad
u ah xaqiijinta (realisation of) laba caadifadood
(sentiments) oo asaas u ah abuuritaanka
Jamhuuriyadda Somaliland ee magaalada Burco,(1991kii):
- Mid waa halgankii qadhaadhaa ee naf
iyo maalba lahaa ee loo soo galay xoreynta
dalka.
- Caadifadda kalena wa tii Isa-saamaxaaddii,
isku-soo dhoweynta iyo mideynta dadka
reer Somaliland ee walaalaha ah, oo wada
jir u goostay inay lasoo noqdaan madaxbanaanidoodii,
ilaahayna ku guuleeyey inay dhistaan dal
nabad iyo xasillooni ka jirto, aqoonsigii
caalamkana sidii ay u heli lahaayeen wadadeedii
ku taaganyihiin, maalin walbana aqoonsiga
wax-qabadkoodu indhaha caalamka soo jiidanayo.
KULMIYE waxa uu u arkaa wadajirka iyo
xaqiijinta himilooyinka ummaddu inay marwalba
sal u ahaadaan labada caadifadood, si
aynu horumar, wadajir iyo isku-duubnideena
u hannano.
1. SIYAASADDA
1.1 Siyaasadda Dibedda.
Xidhiidhka Dibedda iyo Raadinta Aqoonsiga
Somaliland (Ictiraaf):
- Siyaasadda arrimaha dibedda ee KULMIYE
waxay guud ahaan ku salaysantahay xoojinta
iyo kordhinta wixii innoo qabsoomay
intaynu Somaliland dib u curinay oo
kala ahaa: dimuqraadiyad(democracy),
nabadgelyo iyo degenaansho (durable
Peace), xuquuqda qofka (Human Rights),
iyo baayacmushtar xora(Free Trade)
- Maadaama Somaliland ay buuxisey shurruudaha
lagu xidho ictiraafka sida xuduud cayiman,
shacbi dalka degan iyo dawlad ay iyagu
samaystaan oo xidhiidh la geli karta
bulshada caalamka inteeda kale, KULMIYE
wuxuu u hawlgelayaa qadiyada dadka Somaliland
isagoo ka duulaya wixii dalkan u qabsoomay
oo waxa lagu faano ah. Waxaayaba KULMIYE
qorshaha ugu jira, si dalka ictiraaf
loogu helo, waxaa ka mida, in la derso
sidii qaddiyadeenna loogu bandhigi lahaa
adduunweynaha si joogto ah, oo cilmiyaysan,
kana qeybqaataan dawladda uun mahee,
waxgaradka dalkoo dhami, iyo aqoonyahankeena
guddo iyo dibedba ha joogeene
- In shirarka adduunka ka socda ee Somaliland
had iyo jeer lagaga qayb galo ama aynu
abaabulno, si codkeena meelkasta looga
maqlo, saaxiibo cusubna aynu u kasbabo.
Sidoo kale in la daba galo shaqooyinka
wacan ee ay ilaa hadda kasoo qabteen
xaga ictiraafka urrurada Somaliland
ee dibeddaha ka jira, sida Somaliland
Forum iyo communities-keena dibeddaha
ku dhaqani. Waxaa la xoojinayaa xidhiidhkeena
diblomaasiyadeed ee dawladdaha caalamka,
kuwa goboleed iyo kuwa deriska ahba
- Waxaa ururku ka shaqaynayaa sidii
loo heli lahaa xubinimadeennii ururada
caalamiga ah, sida Qaramada Midoobey
(The UN), Midowga Africa (AU), Jaamacadda
Carabta, IGAD, Ururka Islaamka iyo qaar
cusubba, sida Barwaaqa sooranka Ingiriiska
(The British Commenwealth). Waxaynu
si buuxda u ayidaynaa, ixtiraamaynaana,
xidhiidhada caalamiga ah iyo protocols-ka
jira, sida dhaqanka caalamiga ah ee
xuquuqul insaanka, distuurada Jimciyadda
Qaramada Midoobey, Dalalka siyaasadoodu
dhex-dhexaadka tahay, Midowga Africa,
Ururka Islaamka iyo IGAD iyo Jaamacada
Carabta
- Waxaa kaloo KULMIYE xoogga saarayaa
wax la qabsiga dawladaha waaweyn ee
adduunka ka jira sida Maraykanka iyo
Midowga Yurub, waxa uu KULMIYE tixgelin
gaar ah siinayaa xidhiidhka hanaqaadka
ah dhinacyo badana leh ee inaga dhexeeya
dalka eynu jaarka nahay ee Ethiopia,
iyo jaarnimada Djibouti.
- Waxaa xil-weyn layska saarayaa raadinta
kaalmo dhaqaale oo caalamiya oo wax
ka tarta dib u dhiska dalka.
1.2 Siyaasadda Gudaha
Maamulka Dawladda Hoose
Dawladdaha hoose waa meesha ugu horreysa
ee lagu kobciyo nidaamka dimoqraadiga
ah, ee muwaadinku kula kulmo maamul
dawladnimo. Sidaa daraadeed, KULMIYE
wuxuu xoojinayaa in habka ismaamulka
dawladaha hoose noqdo mid is-bixiya
marka loo eego dhinaca siyaasadda, dakhliga
iyo maamulkaba. Wuxuu kaloo dib-u-eegayaa
sharciyadda iyo qaabka loo maamulo bixinta
dhulka.
Wuxuu kaloo KULMIYE fulinayaa
arrimahan soo socda:
- Xadaynta gobollada iyo degmooyinka
dalka (de-markation)
- Tira-koobka dadka iyo sugitaanka jinsiyadaha
- Xakamaynta soo-galootiga sharci darada
ah
- Suulinta dhaqanada shisheeye ee xumaan
iyo dhibaato inoo keenay
- Ka-suulinta bulshada dhaqamada qabaliga
ah, iyadoo la walaalaynayo beelaha iyo
bulshada reer Somaliland
- KULMIYE wuxuu abuurayaa barnaamij
dhaqan-dhaqaale oo inoo suurtageliya
inaynu ka faaiidaysano khayraadkeena
dabiiciga ah
- KULMIYE wuxuu hagaajin iyo hagis ku
samaynayaa nidaamka shaqo ee hayadaha
samo-falka ee dalka ku sugan (INGOs,
IGO)
- KULMIYE wuxuu hagaajinayaa nidaamka
dhulka iyo qorshaynta magaalooyinka
- KULMIYE wuxuu dib-u-hanayn ku samaynaa
dhismaha iyo nidaamka hayadaha
dawlada, iyo shaqada iyo shaqaalaynta.
2. NABADGELYADDA
2.1 Isdhexgalka iyo Turxaan Saarka Bulshada
dhexdeeda:
- KULMIYE wuxuu dhiirigelinayaa in
bulshadu is-dhexgasho, iyadoon isu kala
takoorayn qabiil qoys iyo gobol toona
- KULMIYE wuxuu adkeynayaa walaaltinimada,
iskaashiga, iyo wadajirka dhamaan gobollada
Jamhuuriyadda Soamliland, isagoo u hawlgelaya
in wixii khilaafaad yo kala shaki ah
ee jira wada hadal lagu dhammaystiro
- KULMIYE wuxuu ku dedaalayaa in hay'adaha
nabadgelyada dalku noqdaan qaar hanan
kara nabadgelyada gudo iyo dibedba.
2.2 Ciidamadda Booliiska:
Si garsoorka dalku u sugnaado, waa
in la helaa ciiidan boolis oo shaqo
wacan qabta. KULMIYE wuxuu samaynayaa
ciidan booliis oo waxtar leh, yaqaana
sida loo dhawro xuquuqda muwaadin ku
nool bulsho dimuqraadi ah, iyadoo amnigana
la sugayo. Si taas loo gaadho, waxa
xoogga la saarayaa tababarada ciidanka
loo furaayo, hanuunintiisa, derejo u
kala samayntiisa, wacyigelintiisa, iyo
dhamaystirka shuruucda la xidhiidha
wax-qabadkiisa. Isla markaas waxa KULMIYE
dersayaa sidii ciidanka wax dhiiri-gelin
ah iyo tas-hiilaad shaqo loogu samayn
lahaa.
2.3 Ciidamadda Xooga Dalka.
KULMIYE wuxuu ahmiyad saarayaa tababarka
iyo tayada ciidanka iyo qalabkiisa.
Wuxuu kaloo hirgelinayaa nidaamkii derejooyinka
iyo kala danbeynta. Wuxuu ku abuurayaa
ciidammada ruuxa wadaniyadda iyo xurmada
dalka iyo difaaciisu leeyahay.
2.4 Miino Saarka iyo Wax-ka-qabadka
Hubka Yaryar Magaalooyinka Dhexdooda:
- KULMIYE wuxuu qorshe wax ku-oola u
dejinayaa sidii miinada dhulka ku aasan
dalka looga dhamayn lahaa
- Wuxuu kaloo KULMIYE dersayaa sidii
laga yeeli lahaa haysashada hubka yaryar
ee dadweynuhu ku haysto magaalooyinka
gudahooda.
3. DHAQAALAHA
3.1 Dhiiri-gelinta Suuqa Xorta ah ee
Dhaqaale:
Sidaanu horeba ugu qeexnay kulankii
furitaankii xisbiga ee bishii May 23-keedii,
xisbigani wuxuu aad uga shaqaynayaa
kobcinta dhaqaalaha dalka. Waxaanu dhiiri-gelin
weyn siinayaa wax-qabsiga dadweynaha
iyo hal-abuurkiisa (private initiative),
si loo rumeeyo tacabka dadkeena.
3.2 Horumarinta Xoolaha iyo Wax Soo
Saarka Beeraha:
- In suuq loo raadiyo xoolaheena oo
aan ku koob nayn uun ka wadamada Carabta
- In laga faa'iideeyo hargaha xoolaha,
caanahooda, lafahooda iyo subagoodaba,
lana wershadeeyo, kuwii ay ka suurtoobayso
- In xidhmooyin, seerayaal iyo biyo
ku filan loo helo xoolaha nool
- In waxbarashada dalka lagu daro kuliyado
heer Jaamacadeed ah iyo machadyo lagu
barto duruusta la xidhiidha xoolaha
iyo caafimaadkooda
- In la helo shaybaadhyo lagu baadho
cudurada ku dhaca xoolaha, baadhistooda
iyo daaweyntooda
- In la xoojiyo wax u qabadka dadka
reer-guuraaga ah, iyo daryeelkoodaba
- In la dhiiri geliyo beeralayda mooraal
ahaan iyo si macnawiyaba
- In la qorsheeyo dhulka beerashada
ku haboon, isticmaalkiisana loo sameeyo
maamul macquula
- In tababaro loo furo beeralayda lagu
baraayo habka casriga ah ee wax-soo
saarka
- In la baadho cudurada wax-yeeleeya
beeraha lana raadiyo dawooyinkooda
- In la siiyo beeralayda kaalmooyin
sida abuurka iyo qalabka beerashada
- In loo sameeyo biyo-xidheeno lana
derso sida loo soo saari karo harooyinka
dhulka hoostiisa.
- In la sameeyo kuliyado iyo macaahid
lagu barto cilmiga beeraha.
3.3 Ka Faa'iideysiga Khayraadka Badda:
- In bulshada reer-Somaliland lagu baraarujiyo
isticmaalka kalluunka, si loogu helo
suuq guddaha dalka ah
- In loo raadiyo suuqyo dibeddaha ah
iyo kuwo dalalka aynu jaarka nahay oo
kalluunkeena loo iibgeeyo
- In kalluumaysatada dalkeena loo furo
tababaro iyo waxbarasho la xidhiidha
habka kaluumeysiga casriga ah
- In loo raadiyo ama lagu dhiirigeliyo
isticmaalka kallumaysatada dalka qalabka
kaluumeysiga ee casriga ah, sida gawaadhida
qaboojiyayaasha ah, doonyaha casriga
iyo shabaagta aan dileyn kalluunka dhasha
ah
- In manaahijta waxbarashada dalka lagu
daro barashada cilmiga la xidhiidha
khayraadka badaha
- In loo sameeyo hay'addo gaar u ah
maal-gelinta iyo kobcinta kaluumaysiga
iyo khayraadka badda
Si arrinta loo sii xoojiyana KULMIYE
wuxuu dhaqan gelinayaa laba sharci oo
kala ah xanaanaynta baddaha iyo wixii
ku hoos nool iyo ka kallumaysiga.
3.4 Horumarinta Macdanta iyo Biyaha:
- In sahamin weyn iyo soo saaridba lagu
sameeyo macdanta iyo biyaha dalka ku
jira
- In degaan walba loo helo isku-filaansho
xaga biyaha ah si looga baxo biyo la'aanta
- In la abuuro kuliyad lagu barto cilmiga
jiyoolajiyada
- In xatooyada laga ilaaliyo macdanta
dalka.
3.5. Daaqa iyo deegaanka.
- La dagaalanka xaalufka lagu sameeyo
dalka
- In la ilaaliyo ugaadha dalka
- In dib loo beero kaymaha, dibna loo
kaymeeyo dhulkii xaalufay (re-forestration)
- In lagu bedesho dhuxusha la shito
dhuxul dhagax (coal) taasoo aad dalkeena
looga helo, lana raadiyo wax kale lagu
isticmaalo shidashada
- In la abuuro machadyo lagu barto arrimaha
la xidhiidha deegaanka iyo duruusta
cimiladda (environmental studies)
- In la sameeyo shuruuc iyo nidaam adag
oo lagu dhaqo laguna ilaaliyo deegaanka
iyo duurjoogta.
3.6 Ganacsiga iyo Wershadaynta
- In la dhiirigeliyo maalgelinta gaarka
ah
- In la xoojiyo siyaasadda suuqa xorta
ah
- In la dhiirigeliyo maalgelinta shisheeye
- In la dhiirigeliyo ganacsatada dalka,
laguna baraarujiyo in ay dalka maalgelin
ku sameeyaan
- In la sameeyo Baan ama Baanan ganacsi
oo gaar ahaaneed (private) si loo dhiirigeliyo
ganacsiga dalka
- In la abuuro suuqyo cusub oo caalami
ah oo aynu xidhiidh ganacsi la yeelano
- Waxa KULMIYE dib-u-eegis ku samaynayaa
cashuurta waxyaabaha lagama maarmaanka
ah sida, raashinka, shidaalka, qalabka
dhismaha, warshadaha, wax-soo-saarka
gudaha iwm
- Wuxuu KULMIYE dhiirigelinayaa suuqgeynta
dibedda ee wax-soo-saarka gudaha, cashuuristoodana
dib looga fiirsanayaa.
3.7 Xakamaynta Sicir barabka
KULMIYE wuxuu wax ka qabanayaa sicirbararka
maciishada, iyadoo daraasad lagu samaynayo
sababaha keenay iyo sidii xal loogu
raadin lahaa.
3.8 Dhinaca Tamarta (Energy Sector)
KULMIYE wuxuu culays saarayaa sidii
loo soo saari lahaa, loona isticmaali
lahaa dhuxul dhagaxda dhulkeena ku jirta,
iyo sii wadista baadhista saliida dhulkeena
iyo baddeenaba lagu ogyahay ee helitaankoodu
rajo aad u weyn leeyahay.
3.9 Isticmaalka Tamarta Hawada iyo Cadceeda
Somaliland waxay adduunka kaga taallaa
meelaha ugu qorraxda badan, waxayna
leedahay meel dabayl wacan leh. KULMIYE
wuxuu dhiirigelinayaa maalgelinta iyo
isticmaalka tamarta hawada iyo cadceeda.
3.10 Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha
(infrastracture)
- KULMIYE waxa uu culays weyn saarayaa
in la dhiso, lana hagaajiyo wadooyinka
dalka isku xidha ee halbowlaha u ah
dhaqdhaqaaqa ganacsiga dalka iyo isu-socodkiisa
- KULMIYE waxa uu dersi doonaa balaadhinta
iyo hagaajinta adeegyada dekeda Berbera,
iyo dhismaha dekedaha kale ee yaryar
ee dalka oo dadka degan gobolo badani
adeegsan karaan, ama ku haboon isticmaal
gaar ah sida kaluumaysiga
- Sidoo kale waxa KULMIYE danaynayaa
ahmiyadda gegida dayuuradahu ka haadaan
ay u leedahay ganacsiga iyo dhaqdhaqaaqa
dadweynaha.
3.11 Cashuuraha Dalka
- Cashuurtu in aanay noqon mid ku culus
bulshada bixinaysa, isla markaana ay
wax-ku-oolnimadeedu dib ugu noqoto bulshadii
bixisay kana muuqato horumarka dalka
- In aanay noqon mid la iska lunsado
- Hay'adaha ilaaliyaa inay noqdaan
qaar gudan kara waajibaadka qaranimo
oo aan sharciga nina uga haybadaysanayn
- Goobaha cashuuraha dalku inay noqdaan
qaar dhiirigeliya inaan muwaadinku ka
leexan meelaha lagu qaado sida dekedaha,
wadooyinka iyo madaaradda dalka.
4. ARRIMAHA
BULSHADA
Ururka KULMIYE isagoo ka duulaya in
bulshada Somaliland baahi badan qabto,
wuxuu dedaal ka geysanayaa, wax-ka qabashadooda.
4.1 Caddaaladda, Garsoorka:
KULMIYE barnaamijkiisa waxaa kaalin
weyn kaga jira in caadalad loo simanyahay
la helo, garsoorka dalka dib loo habeeyo,
barshada, xoojinta iyo ku dhaqanka diinta
Islaamka la xoojiyo. Caadaladda iyo
garsoorka dalku wuxuu u baahanyahay
innuu noqdo mid taageero ka haysta ummadda,
u qabsooma dadka, madax-banaan, loo
simanyahay, waxtarna ah.
- garsoorka dalku waa inuu noqdo mid
loo siman yahay oo caddaalad ku dhisan,
si taa loo gaadhona waa in la helo shaqaale
garsoor oo xirfad iyo aqoon u leh hawlaha
garsoorka, isla markaana ka madax banaan
maamul xukuumadeedka (executive).
- Waa in sharci hayaha lagula dedaalaa
inuu dhaqaale ahaan helo, wax asaasi
ah oo sharci-hayuhu kaga kaaftoomo waxa
magaciisa iyo mansabkiisa u qalma.
4.2 Waxbarashada
- In guud ahaan bartilmaameed laga
dhigto baabi'inta wax-akhris iyo qoris
la'aanta
- In manaahijteena iyo waxbarashadeena
lagu saleeyo xirfadayn iyo deegaamayn
- Si kor loogu qaado tayada macalimiinta,
in la abuuro kuliyado waxbarasho
- In guud ahaanba deegaanada waxbarasho
ay ahaadaan goobo hagaagsan oo akhlaaq
iyo nidaam waxbarasho ku dhisan
- In ugu yaraan waxbarashada hoose (primary
education) uu dalku ka sinaado, deegaan
walbana la gaadhsiiyo
- In kor loo qaado, dalkana la wada
gaadhsiiyo dugsiyada dhaqaalaha guriga
(domestic schools).
- Xuquuqda waxbarasho ee saamiga labka
iyo dhediga caruurta inay isku mid ahaadaan,
isla markaana ilmo kasta oo gaadha da'da
waxbarasho uu waxbarasho ku helo goobta
uu degan yahay
- In la helo manhaj tayo leh oo deegaamaysan
- In dalka laga helo waxbarasho jaamacadeed
iyo takhasusba.
4.3 Caafimaadka
- In la sugo fayo-qabka guud ee bulshada,
ee la xidhiidha bilicda guud ee deegaan,
isticmaal biyo nadiif ah, xakamaynta
cudurada faafa iyo adeega guud ee caafimaadka
- In la derso sidii dalka looga cidhib
tiri lahaa cudurada hidaystay bulshadeena
sida TB-da (qaaxada), iyo duumada, isla
markaana la xakameeyo fiditaanka cudurka
HIV (AIDS), iwm
- In la hormariyo goobaha caafimaadka,
cisbitaaladeena, MCH-yada iyo PHC-yaduna
ay noqdaan qaar lagu aamini karo caafimaadka
bulshadeena
- In la kontaroolo adeegyada caafimaadka
ee gaarka ah
- In la baadho isla markaana la ilaaliyo
tayada daawooyinka dalka imanaaya
- In la helo shaybaadho iyo machadyo
lagu barto caafimaadka
- In lagu booriyo jaamacadaha qaranku
iney abuuraan kuliyado caafimaad oo
ay kasoo baxaan dhakhaatiir tayo lihi
- In dalka loo dejiyo siyaasad guud
oo ku saabsan ilaalinta caafimaadka.
4.4 Dhalinyarada iyo Isboortiga
ururka KULMIYE isagoo ka duulaya burburka
ku dhacay da'yartii dalka, una arka
inay yihiin mustaqbalkii berito, lana
dagaalamaya dhaqanada xunxun ee aynu
ka dhaxalnay burburkii muddada dheer
ina haystay, wuxuu ururku ballan qaadayaa
in dib loo soo nooleeyo naadiyadii kala
duwanaa ee isboortiga iyo goobo casriyeysan
oo ciyaareed, iyo wixii tas-hiilaad
kale ah.
Sidoo kale waxa ururku ka hawlgelayaa
inuu kala dagaalamo dersona sidii dhalinyarada
looga suulin lahaa cunista qaadka, khamriga,
xashiishada, fiidyowga iyo wixii la
mid ah ee dhaqan gedis, iyo xumaan keeni
kara.
Sidoo kale waxa KULMIYE ballan qaadayaa
inuu derso sidii dhalinyarada uu kala
dagaalami lahaa wahsiga, baar fadhiisiga
iyo meeraysiga, loona abuuri lahaa xirfado
iyo hawaayado wanaagsan.
4.5 Haweenka
- In la aqoonsado kaalinta mudnaanta
leh ee haweenku kaga jiro ama ka qaadan
karaan is-beddelka dhaqan-dhaqaale ee
dalka
- KULMIYE wuxuu ballanqaadayaa in xukuumadda
uu dhiso uu ka qeyb geliyo haweenka
- In haweenku ka qeyb-galo dhismaha
dawladda heer kastoo ey u tahayba
- In mudnaan la siiyo wax-barashada
hablaha ilaa heer jaamacadeed; wixii
carqalado hortaagana laga qaado
- In lagu dhiiri-geliyo in haweenku
ka qeybqaataan heer kastoo ganacsi iyo
horumar dhaqaale leh
- In xanaanada hooyooyinka iyo caruurta
ahmiyadda ay leedahay la siiyo.
4.6. La Dagaalanka Mukhaadaradka iyo
Dhaqamada Xun ee Bulshada:
Dadka reer Somaliland waa bulsho muslim
ah, waana bulshado dhaqan soo jireen
ah leh (a traditional society). Markaa,
waa lagama maar-maan in lala dagaalamo
dhaqanada xun-xun ee bulshada iyo dadka
inta da'a yar fasaqaya. KULMIYE wuxuu
xil weyn iska saarayaa arrintan, isagoo:
- Ka shaqaysiinaya ciidamada booliska
dalku inay la dagaalamaan waxyaabaha
dhaqan dooriska ah, sida mukhaadaraadka
iyo wixii anshaxa waxyeeleeya
- In bulshada lagu wacyi geliyo inay
dhaqankeedii wacnaa, asluubteedii
loo yiqiin iyo ku dhaqanka diintooda
adkaystaan, oo ka durkaan waxyaabaha
dhaqan dooriska iyo xumaan keeni kara.
4.7 La Dagaalanka Musuq-Maasuqa iyo
Ilaalinta Handida Ummadda:
Musuqa gala maamulka oo inta badan
ah ka keena maamul xumo ragaadisa socodka
hawlaha dawladda, ayaa ah dhibaatada
ugu weyn ee ay la kulmaan wadamada soo
koraya ee aan lahayn hayado xoogan
oo ka hortaga in musuq-maasuqu ku xididaysto
maamulka dawladda. Si haddaba arrintan
looga gaashaanto, loona ilaaliyo hantida
ummadda, KULMIYE wuxuu markiiba dhaqan
gelinayaa xeerarkan soo socda:
- Leadership code ama xeerka hogaaminta,
kaasoo si cad u qeexaya xilka masuulka
goobta shaqada iyo hab-dhaqankiisa
goobaha kale ee lagu kulmo
- KULMIYE wuxuu dersayaa in la sameeyo
Ombudsman Commission (O.C.) ama hayad
dadweynuhu uga dhacwoon karaan wixii
macaamil xumo ka soo gaadha xukuumadda
- Waxaa la dersayaa sidii loo abuuri
ahaa hayad la yidhaahdo Anti-Corruption
and Mis-management Commission oo dawladda
u qaabilsan ka hor tagga maamul xumada
iyo musuqa.
4.8 Naafada iyo Agoomaha
- In loo sameeyo urruro bulsho, oo sameeya
barnaamijyo munaasib ah oo xannaano
iyo horumarin leh, xuquuqdoodana ku
dooda
- In mashaariic iyo barnaamijyo wax
loogu qabto la dhigo.
4.9 Shaqada iyo Shaqaalaha
- In lagu dadaadlo sidii fursado shaqo
loo abuuri lahaa oo shaqo la'aanta wax
ka tarta
- In nidaamka shaqo qorista dalka iyo
hay'adaha ku shaqada leh ay noqdaan
qaar tayo leh, oo loo siman yahay fursadaha
shaqo
- In shaqaalaha dawladdu noqdaan qaar
xirfad shaqo leh, loona helo mushahar
ku filan
- In si fiican loo dejiyo shuruucda
shaqada (national labour code) iyada
oo la raacayo heshiisyada caalamiga
ah ee khuseeya shaqada iyo shaqaalaha
- Xuquuqda shaqaaluhu waa inay ahaataa
mid sugan.
4.10 Hiddaha iyo Dhaqanka, Fanka iyo
Suugaanta
KULMIYE wuxuu ku dedaalayaa sidii loo
heli lahaa madxaf qaran oo lagu keydiyo
taariikhda iyo hidaha bulshada reer
Somaliland. Sidoo kale wuxuu ku dedaali
doonaa in dib loo soo nooleeyo fanka
iyo suugaanta, oo hidihii iyo dhaqankii
ummaddan qiimaha uu mudan yahay loo
yeelo.
Sidaa si la mid ah, wuxuu KULMIYE dhiirigelinayaa
horumarinta farshaxanka ee farsamo,
sawir, qoraal, iwm.
|