Milicsi kooban, waa kuma guddoomiyaha/Murashaxa xisbiga Kulmiye?

Hor iyo horraanta waxaan salaamayaa akhristayaasha mareegtani. Marka xiga, Waxaan jeclahay in hambalyeeyo Muj. Muuse Biixi Cabdi jagada Xisbiga Kulmiye lagu wareejay. Ilaahay ha u fududeeyo xilka cusub ee loo igmaday. Muj. Muuse waxa ku socday muddo dheer olole habaysan oo loola dan lahaa in madmadow lagu  g eliyo milgada taariikheed ee shicibka Soomaaaliland uu …

Review Overview

User Rating: Be the first one !
0

Hor iyo horraanta waxaan salaamayaa akhristayaasha mareegtani. Marka xiga, Waxaan jeclahay in hambalyeeyo Muj. Muuse Biixi Cabdi jagada Xisbiga Kulmiye lagu wareejay. Ilaahay ha u fududeeyo xilka cusub ee loo igmaday.

Muj. Muuse waxa ku socday muddo dheer olole habaysan oo loola dan lahaa in madmadow lagu  g eliyo milgada taariikheed ee shicibka Soomaaaliland uu ka mudan yahay iyo qiimaha xisbiga  Kulmi ye uu ku leeyahay.

Warxume-tashiilyada ololahaa waday kumay liibaanin ujeedada lahaayeen inay meel marto. Saba btoo ah in shicibka Somaaliland kala ogyahy nin ganay iyo nin galladay!

Waxa mahad Alle ah in Madaxweynaha, xisbiga kulmiye iyo shicib weynuhuba ka dheregsan yihiin Mujaahidka shkhsiyadiisa iyo waxqabadkiisa hadda iyo iyo horraanba. Mujaahid Muuse , sida rag badan oo ka mid ahaa halgamayaashii SNM’ta, ayuu muddo hore oo aan dhawayn taariikhdiisa  qoorta sudhay, kuna jaxaastay.

Muj. Muuse runtii maaha ninkii maanta la baran lahaa! Hadday se aqooni ugu kuugu dhimman  tahay, yar milicsado taariikdan aan ku soo koobay intaan ka ogahay shakhsiyaddiisa iyo  waxqabadkiisa.

Hordhac

Waxa maqaalkan ii geeyay oo aan hulladay in halgankii uu Mujaahid Muuse ka soo qayb qaatay ku biniixsho qayb dadka in yari ka ogtahay. Marka hore Mujaahidka Muuse saaxiib baanu nahay, isku jiil baanu ahayn, dugsina waanu wada dhigannay, isku xaafad waanu ahayn.

Aragtidaan shakhsi ahaan u lahaa:

Mujaahidka waxaan ku bartay dugsiga dhex ee Biodhacay. Wuxuu ahaa wiil Raxmaankuna ugu  deeqay degganaasho, akhlaaq suuban, kaftan hufan, baxsoodinimo iyo ixtiraamka aadamiga, yar iyo weynba. Wuxuu ahaa wiil qawlkiisa iyo ficilkiisu is waafaqsan yihiin, xarago badan, xoog weyn oo gardarrada dadka aan aqoon, aseen qaadan oo dhimasho ka xigi jiray in gacan la saaro.

Da’dayada wuxuu kaga balwad duwanna oo uu aad u xiisayn jiray sheekada odayaasha iyo dadka waaweyn. Lafta iyo dhuuxaba isagoo reer magaal ka ah, wuxuu xigtaysan jiray oo uu jeclaa inuu isku muujiyo dhaqanka reer miyinimada oo uu runtii aqoon sare oo ka badan taayada u lahaa.

Aqoonta iyo mihnadda uu bartay – Halkuu gaadhay, saamayntay se ku yeelatay noloshiisa?

Muuse markuu dugsiga sare dhammaystay, wuxuu doortay mihnadda ciidanka xoogga dalkii  Soo maaliya, wakhtigaasoo waxabarsho u tagay dalka Ruushka, kuna soo dhammaystay aqoontiisa waxbarasho ee ciidanka cirka.

Wuxuu qabtay xoghayaha taliyahii guud ee xoogga soomaaliyeed ee waqtiga, Jeneral Cumar  Xaaji Masalle. Laguma dooran Muuse hayb, abtinimo, xididnimo iyo gobolaysi oo la wadaago  maamul ka . Heerka uu gaadhay wuxuu ku kasbaday karti iyo firfircoonidiisa shakhsi ahaaneed. Waxa u  s uurtowday Muuse, in isagoo sarkaal da’ yar ah hor dooyaysto Janannadii Pentagon-ka ee  Maray kanka, halkaas ka qayb galay wada xaajoodkii ciidanka Soomalida iyo Maraynka dhexmaray.
Mansabkaasi xasaasiga ahaa ee uu qabtay waxay si weyn wax uga badashay dareenkiisa  siyaas adeed ee ku waajahnaa dawladda

Sida in badan oo ka mid ahayd saraakiishii ciidanka ee ka soo jeeday gobollada waqooyi ee  xilliga as, wuxuu Muuse waqti hore helay dareen ah in ay micno darro iyo wakhti lumis tahay sii  eegash ada maamulkii jiray. Cag ku haynta, cabudinta iyo cadaalad darrada lagula kacay dadyowga iyo degaannada waqooyi aanay ahayn arrin la eegan karo. Halganka xorayntu intaanu bilaabmin ka hor, wuxuu aaminsanaa inay tahay naaqisnimo, nacasnimo eegashada iyo ku waaritaanka  xukun ka Siyaad Barre hoostiiso, Waxaan ka qoray badhtamihii 1980 dareenka oo ka qabay dawladda oo ahyd: Tayo liidasho dhan walba ah , aqoon xumo iyo cadaalad darro is biirsatayy oo aynu  had hsanayno!

Dalkiisa iyo dadkiisa ninkii waxtara….. Taariikhdaa wadar u sheegta
Ku dheeraanmaayo waxtarkuu u yeeshay Mujaahidku ku biiritaankii SNM’ta. Waxa se xusid mudan gacan uu ku lahaa yabyabkii ciidan-ururinta naftood horayaasha halganka. Aqoonta uu u lahaa degaanka iyo dhaqanka miyiga ayaa loo nisbeeyaa fududeydka uu si sahlan u qanciyay dadyowgii ku gadaannaa agagaarka xarumihii gaaroodiga ee SNM’ta ee bilowgii ka dhega adaygay ka mid noqoshada ciidanka halgamayaasha.

Nin la qiray dheh, oo uu qoraal sir ah ku magac dhabay cadowgii ka soo horjeeday!

Buullaa markhaatiga u furay mahadhaduu reebay
Oo qiray milgaha uu kasbaday mawlac dirireede!
Waxa la yaab lahayd in cadawgiisii koobaad u qiray Muj. M. Biixi ninka uu yahay!

Mujaahidku markuu ku biiray SNMtii, wuxuu door libaax oo taariikhda galay ka gaysatay halgankii dagaalka oo ay ka marag kacday Faqashtii ku amar ku taagalaynaysay shicibka. Waxa jirta oo  da dka Muqdishu ku sugnaa heleen warbixin badhisaabkii gobolka waqooyi galbeed ee Buulle u qoray Siyaad Barre, ugagana xog waramayay gobol waqooyi galbeed iyo xaaladaha dagaallada  dhex  m araya ciidanka faqashata iyo xoggagga SNM’ta. Warbixintaasi oo uu Buulle kula tartamayay  war bixintii Moorgan, wuxuu si aan gabad lahayn uga sheegayayaa inaadeerkii ina Siyaad, wasiirkii  gu daha Ina salebaan Dafle iyo Cali Samatar sida janannadoodii garbaha loo caseeyay, xeel iyo  tam ar waxay lahaayeen, u babbac dhigi kari waayeen sarkaal ciidanka cirka Soomaliyeed ka baxay oo la yidhaa Muuse Biixi.

Waxqabadkiisa siyaasadeed intii dalka faqash laga xoreeyey!

Waa badweyn aan qoraal lagu soo koobi karin waxaanan u daynayaa dadweynaha daacadda ah ee dulmiga neceb, libinta aan ka xisdiyin ninkii leh.

Qore Jaamac Cali Cismaan.