http://www.kulmiye.com/the-candidates/

Click here to see who is Musa Bihi Abdi

Who is MBA _ Resume

Arrow
Arrow
Slider

Marwadii Ugu Horaysay Ee Ka Mid Noqotay Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland

Hargaysa (Kulmiye.org) Marwo Faadumo Jaamac Ileeye, ayaa markii u horeysay taariikhda Somaliland ka mid noqotay mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, oo ah aqalka sare ee baarlamaanka Somaliland. Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Mudane Maxamed Ismaaciil Xirsi Oomane, ayaa shalay Xubintan cusub ee haweenka u dhaariyay xubin-nimada golaha guurtida Somaliland, ka dib markii ay buuxisay jago uu golahaas ka banneeyay odaygeedii Marxuum ...

Read More »

Obamas Dance, Celebrate at Inaugural Ball

(CNN) — President Barack Obama and first lady Michelle Obama were dancing their way through 10 official inaugural balls after a day of pomp and circumstance that saw his first presidential address and excitement about her inaugural dress. Michelle Obama, dressed in Jason Wu, and President Obama at the Home State Ball Tuesday night. The Obamas were serenaded by Beyoncé ...

Read More »

Historic moment as Obama sworn in

WASHINGTON - Barack Hussein Obama stepped into history Tuesday as the first black president of the United States, delivering an impassioned call for a new "era of responsibility" founded on the age-old American principles of honesty, courage, loyalty and old-fashioned hard work.

Read More »

Dr Maxamed Cabdi Gaboose Oo Si Heer Sare Ah Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Columbus , Ohio

Maanta oo ay taarikhdu ahayd 17/01/2009, waxa magaaaladda Columbus, Ohio ee carriga Maraykanka xaflad heer sare ah loogu qabtay guddoomiyaha urur siyaasadeedka QARAN Dr. Mohamed Abdi Gaboose iyo wefti uu hogaaminayo, oo beryahanba safarro ku marayey waddankan Maraykanka. Safarkan Dr. Gaboose ayaa la xidhiidha olole siyaasaddeed (campaign) siddii la isugu xidhi lahaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee North America iyo taageerayaasha ururka QARAN, iyo sidii dhaqaale ururin loogu samayn lahaa xisbiga KULMIYE (fund-raising). Haddaba xafladdan oo si heer qaran ah u dhacday ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan bulshaweynta reer Somaliland ee ku dhaqan magaaladda Columbus, ee gobolka Ohio. Haddaba ugu horrayn waxaa xafladaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMIYE North America ahna guddoomiyaha xisbaga KULMIYE ee Columbus, Ohio, Mr Saxardiid Mohamed Shaacir oo u mahad celiyey bulshaweyntii reer Somaliland, sida diirran ee ay uga soo qayb galeen xafladdan. Muddo yar ka dib waxaa microphone ka lagu soo dhaweeyey guddoomiyaha ururka QARAN Dr. Mohamed Cabdi Gaboose, oo shacabkii ugu mahad naqay sida diirran ee ay usoo dhaweeyeen. waxaanu Dr. Gaboose ka warramay marxaladihii uu waddanku soo maray iyo xaaladda uu imika ku sugan yahay, waxa kale oo uu ka warramay dhibaatooyinka waddanka ka taagan dhinac kasta.
Xafladda Soo Dhawaynta Dr. Gabose, Columbus, Ohio

Xafladda Soo Dhawaynta Dr. Gabose, Columbus, Ohio

Wuuxu sheegay Dr. Gaboose in uu maadaxweyne ina Rayaale waddankii ka dhigay (monopoly) oo wax kasta u xidhay cid gaar ah:
  • Shidaalkii waxaa loo xidhay shirkadda total o qudha
  • Adhigii waxaa loo xidhay nin carab ah
  • Warshaddii sibidhka ilaa imika waa siddeeda ka dib markii uu dahir rayaale yidhi waxaan ku wareejiyey shirkad jarmal ah, oo dhagaxntii weli halkii ayey taalaa
  • Waddankii dhalinyaraddii way ka yaacday oo waxay ku xidh xidhan yihiin xabsiyadda Liibya iyo Suudaan
  • Goloyaashii qaranku uma shaqeeyaan si madax banaan
Waxaas oo dhibaato ah waxa uu Dr. Gaboose dusha ka saaray xukuumadda ina Rayaale. Waxa kale oo uu Dr. Gaboose ka waramay xadhigoodii, sababtii loo xidhay iyo waxyaabaha ku kalifay in ay taageero siyaan xisbiga KULMIYE (indorsement). Dr. Gaboose waxa uu sheegay in uu xisbiga KULMIYE yahay xisbiga keliya ee oggol in la furo xisbiyo. “Markii aanu aanu eegnay saddexda xisbi QARAN ee doorashadda u tartamaya waxay nala noqotay xisbiga wadddanka badbaadadiisu ku jirto waa KULMIYE, markaas hiil iyo hooba ha la isla garab taago xisbiga KULMIYE iyo Muj Siilaanyo” sidaa waxa yidhi Dr. Gaboose. Gebogebaddii xafladda su’aalo la waydiiyey Dr. Gaboose ka dib waxaa halkaa shahaado sharaf ku kudoonsiiyey ururka dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo la yidhaaho (UBAD), waxaana shahaadada gudoonsiiyey guddoomiyaha ururka (UBAD) Mr Ahmed Hassan. Free Jornalist Abdisalam Mohamed Buraleh csalaan2003@hotmail.com
Dr. Gabose oo socdaal ku maraya dalka Maraykanka

Dr. Gabose oo socdaal ku maraya dalka Maraykanka

Dhalinyarada ka qaybqaadatay soo dhawaynt Dr. Gabose

Dhalinyarada ka qaybqaadatay soo dhawaynt Dr. Gabose

Dr. Gabose oo soo dhawayn diirran oo lagu qaabilay

Dr. Gabose oo soo dhawayn diirran oo lagu qaabilay

Read More »