http://www.kulmiye.com/the-candidates/

Click here to see who is Musa Bihi Abdi

Who is MBA _ Resume

Arrow
Arrow
Slider

Hamabaliyo Aroos Mudane Cali Khadar Xasan Cisamaan Iyo Marwo Marian Maxamud Cali

Dhamaan xubnaha qurba jooga xisbiga Kulmiye laamahooda kala duwan ee dunida daafaheeda, xubnaha xisbiga ee ku sugan dalkii Hooyo gaar ahaan madaxda xisbiga ee ku sugan xarunta guud ee Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa waxay halkan hambaliyo iyo bogaadinba u soo marinayaan Mudane Cali Khadar Xasan Cisman Iyo Marwo Marian Maxamud Cali Oo Meherkoodu ka dhacay magaalada Burco Gobolka Togdheer ...

Read More »

Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud oo KULMIYE Ku Biiray, Si Kululna u Weeraray Madaxweyne Rayaale

Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud oo KULMIYE ku Biiray, si Kululna u Weeraray Madaxweyne Rayaale Hargeysa (Oodweynenews)- Wasiir-ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Mr. Cabdirashiid Ducaale Qambi oo dhawaan xilkaga laga qaaday, ayaa rasmi ah ugu biiray xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE. Munaasibad xisbiga KULMIYE u sameeyey soo dhaweynta Mr. Cabdirashiid oo maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbiga waxa ...

Read More »

Xoghayaha Arrimaha Dibada Ee Xisbiga KULMIYE Mudame Dr Maxamed C. Cumar Ayaa In Sanad Ka Yar Kaga Dhaadhiciyay Halka Xukuumada Dahir Albaab Qaldan Wali Garaacayso MudoLix Sanadood Iyo Dheeraad Ah

Dr. Mohamed A. Omar and the President of Senegal, Abdullaye Wade December 20th, 2008 Hargeysa(Somaliland.Org) Xoghayaha arrimaha dibada ee Xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxwayne Rayaale ay suuq-gaynta qadiyadda Somaliland u marto waddo qudha, taas oo uu ku tilmaamay in ay tahay dariiqii ay hore u mari-jireen xukuumaddihii ka horeeyay. Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar waxa ...

Read More »

Xarka Udub Ku Dhacay ( Tix Gabay Ah Oo Kooban )

Ninmanyohow xawaalaha aduun laysku wada xiiqye Xogogaal war loo yahay hadaan xubin ka soo qaato Oo aan xisaab ugu noqdo marag ku xoogeeyo xarbi olole xayraan dagaal xolol u qiiqaabay xooliyo naftii loo huriyo xeelad iyo dhiidhi dalkii xaawaley iyo nin weyn marada loo xaytay ama xaw malyuun loogu jaray lana xoraynaayey ama kuman xabaasha u galeen una xiniin beeshay ...

Read More »

Tirada Guud Ee Iska Diiwangalysay Gobolka Togdheer

Burco ( Kulmiye.org) Gudoomiye ku xigeenka Komishanka Qaranka Md Cali Maxamed Cabdalla (Biikalo)  ayaa maanta ku dhawaaqay tirada hordhaca ah ee codbixiyeyaasha  iska diiwaangaliayay gobolka Togdheer lixdii maalmood ee inna dhaafay. Md cali Biikalo oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay tirada guud ee hordhaca ah ay hayaan oo ay ka maqanyihiin 24 goobood oo natiijadoodi ...

Read More »

Mudane Axmed-Siillaanyo oo Ka Xog-waramay Safardii uu ku sooDegaamada Togdheer iyo Oodweyne.

Mudane Axmed-Siillaanyo oo Ka Xog-waramay Safardii uu ku sooDegaamada Togdheer iyo Oodweyne. Published Dec 18, 2008 – 03:57 PM by siciid Burco (Togdheernews..18-Dec.)- Guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in ay xisbi ahaan ka soo horjeedaan hindise uu xusay in ay wadaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo axsaabta qaarkood oo ku saabsan in mar laga wada bilaabo hawsha ...

Read More »

Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xisbiga Kulmiye Dr Maxamed Cabdillahi Cumar Oo Somaliland Ugu Ambabaxay Socdal Shaqo Iyo Mid U Gaara Ahba

Xohayihii arimaha dibada ugu magacaaban Xisbiga ugu weyn mucaaridka Dr Mohamed Abdilahi Omar, ayaa galabta ka am babaxay magaalada London, isaga oo booqasho gaaban ku tagay Somaliland. Dr Mohamed oo intii aanu ka anba bixin dalka u waramay shabakada Somaliland.Org, ayaa u sheegay in socdaalkiisu uu ku tagi doono dalka Somaliland noqon doonto mid dhinacyo badan isugu jiri doona.  Isla ...

Read More »

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftigiisii oo maanta socdaal ku maray Waraabeeye ilaa Balli-dhiig

Qorilugud (Somaliland.org) – Guddoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland, ee KULMIYE, Xaaji Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo oo booqasho la xidhiidha kormeerka iyo dhiirrigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha ku jooga gobolka Togdheer, ayaa maanta kormeer ku maray deegaamo ay ka mid yihiin, Waraabeeye, Xaaji Saalax, Yucub-yabooh, Jaamac Qabar, Dhoqoshey, Dheryaley iyo Ballidhiig oo uu weftigu caawa u hoydey. Guddoomiyaha, mudane ...

Read More »