http://www.kulmiye.com/the-candidates/

Click here to see who is Musa Bihi Abdi

Who is MBA _ Resume

Arrow
Arrow
Slider

Kuwii Ku Baaqee…..Kulmiye Ku Biiray Waa Baayadooda iyo Barwaaqadooda.

KULMIYE.ORG-Waxaan ku soo dhaweynaa dadweynaha reer Somaliland ee doorashada ka qayb gelaaya farxad iyo niyad wanaagsan, waxaan leeyahay dadweynow codkaaga iyo Cudaada ku ciil baxa, waxaan leeyahay kala garta nin iyo geed, waxaan leeyahay Udub waa talo seeg aan tamar iyo tayo midna la hayn ee ha ku khasaarina mar labaad. Waxa lagu hungoobay Doorashii hore ee Udub la doortay.

Read More »

Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Marti-qaad Loogu Sameeyey Deegaanka Xaraf

Xaraf-(KULMIYE.):- Dadka ku dhaqan Deegaanka Xaraf ee dulkeedka Galbeed ee Caasimadda Hargeysa, ayaa Casuumad qado ah maanta ku qaabillay Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna Guddoomiyaha Xisbigaas iyo Madaxda kale ee KULMIYE. Waxaama Casuumaddaas ka qaybgalay Wefti culus oo uu hoggaamiyey Axmed-Siilaanyo oo barqadii maanta ka ambabaxay Hargeysa.

Read More »

Indha Adaygu Marku Bato Gasariir Baa La Yidhaa !

Waxaa wali indha adayg iyo been la soo taagan xukuumada Daahir Riyaale ee maalinba gobol ku dhaxaysa intay ilaawaan beentay shalay sheegeen hadana maanta ku celinaya.  Daahir oo hadda socdaal olale ugu maqan gobolka Sanaag ayaa waxaa hadaladii uu ku olalaynayay

Read More »

Kumannaan Taageerayaasha KULMIYE Ka Mid Ah Oo Maalintoodii 3-aad Ee Ololaha Maanta Isugu Soo Baxay Hargeysa

Hargeysa(KULMIYE.ORG)- 10, June, 2010:- Kumannaan qof oo taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ka mid ah, ayaa maanta maalintoodii saddexaad ee ololaha doorashada Madaxtooyada isugu soo baxay Gobollada iyo Degmooyinka dalka Somaliland, isla markaana muujiyey cududdooda taageero ee ay u hayaan KULMIYE oo lagu tilmaamo Xisbiga ugu taageera badan celcelis ahaan dalka oo dhan.

Read More »