Test2

Laba jaar oo Soomaaliyeed bay Somaliland leedahay midi waa Jabuuti oo aannu ku Hambalyeynayno horumarka ay gaadhay, midina waa – Murrashax Muuse Biixi

Hargeysa 27/06/2017 (Warbaahinta xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku hambalyeeyey dawladda iyo shacabka Jabuuti horumarka ay gaadheen xuska sannad-guurada 40-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimada ka qaateen gumaystihii Faransiiska 27 June 1977. Guddoomiye Muuse Biixi oo khudbad ka jeediyey xaflad ka dhacday Hargeysa maanta oo ...

Read More »

TACSI GUDDOOMIYE

26 June 2017 IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN   Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Guurtida ...

Read More »

Madaxwayne ku-xigeenka Somaliland, Ahna Ku-simaha Madaxwayanaha iyo Guddoomiyaha KULMIEY oo shicabka la tukaday

Hargeysa 25/6/2017 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Madaxwayneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku Simaha Madaxweynaha dalka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa qaar ka mid ah  dadwayanaha ku dhaqan magaalada Hargeysa kula soo tukaday salaadda ciidal-fidriga Masjid-jaamaca wayn ee magaalada caasimadda. Madaxweyne-ku-xigeenka waxa madaxda ku wehelinaysay salaadda ka mid ahaa Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi. Md. Cabdiraxmaan Saylici ...

Read More »

Guddoomiyaha KULMIYE oo shicabka ku hambalyeeyey munaasibadda Ciidul-fidrida iyo xuska 26-ka June

Hargeysa 25/6/2017(Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha  xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacabka Somaliland ku hambalyeeyey munaasibadda ciidul-fidriga ee sanadka 1438-ka. Guddoomiye Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay xafiiska Hargeysa maanta, ayaa shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey munaasibadda ciidul-fidriga, waxaanu si gaar ah hambalyo ugu diray ciidamada qaranka Somaliland oo ...

Read More »

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo soo xidhay tartanno kubadda cagta ah o ka socday Garoomada Xawaadle Iyo 31-ka May

Hargeysa 22/06/2017 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda  Somaliland, ahna murrashaxa madaxweyne ku-xigeen ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(saylici), ayaa maanta si rasmi ah usoo xidhay tartannadii kubadda cagta ee bisha Barakaysan ee Ramadaanta ka socday garoomada Xawaadle iyo 31-ka May. Munaasibadda gunaanadka tartannada garoomadan, ayaa waxa madaxweyne ku-xigeenka kala qaybgalay  saraakiil xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka tirsan oo ay kamid ...

Read More »

Shirkii Falanqaynta Barnaamij-siyaasadeed KULMIYE ee aqoonyahanka Jaamacadaha oo la soo gunnaanaday

Hargeysa 22/06/2017 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Shirkii falanqaynta barnaamij-siyaasadeedka xisbiga KULMIYE u diyaariyey inuu ku galo doorashada Madaxtooyada ee u qorshaysan 13-ka bisha November ee ay ka qaybgaleen aqoonyahanka jaamacadaha dalka qaarkood, ayaa la soo gunnaanaday xalay kadib laba habeen oo uu ka socday Hargeysa.  Shirkan oo uu soo abaabulay Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE, waxa labadii habeen ee ...

Read More »

Xisbiga KULMIYE oo abaalmarino guddoonsiiyey kooxo ku guulaystay tartan kubadda cagta ah oo ka socday Geed-deeble

Geed-deeble 21/06/2017 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)-Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa abaalmarino kala duwan oo iskugu jira koobab, diraysyo iyo billado ku wareejiyey kooxihii kaalmaha koowaad iyo labaad ka galay tartan kubadda cagta ah oo bisha barakaysan ee Ramadaan ka socday gudaha magaalada Geed-deeble ee degmada Daarasalaam oo ka tirsan gobolka Maroodi-jeex. Wafti ballaadhan oo ay xubno ka yihiin guddoomiyaha ...

Read More »

Nuxurka kulan Guddoomiyaha KULMIYE Xafiiskiisa kula yeeshay wefti safiirro Ingiriis ah

Hargeysa 21/06/2016 (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Guddoomiyaha xisbal-xaamika Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay wefti safiirro ka socda dawladda Ingiriiska maanta. Weftigan waxa hoggaaminaysa Safiir-ku-xigeenka cusub ee dhawaan loo soo magacaabay Safaaradda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Mary Shockledge oo ay wehelinaysay Lizzie Lovett oo ah ...

Read More »