The Candidates

 

The KULMIYE Party Candidate for President in 2017 election is HE. Muj. Musa Bihi Abdi while HE. Abdirahman Abdillahi Ismail (Saylici) is the Vice Presidential candidate of the Party.

WAA KUMA MUUSE BIIXI CABDI

 

Muuse Xuseen Cabdi (Muuse Biixi) Murashaxa jagada Madaxweyne Xisbiga Kulmiye doorashada  2017, waxa uu ku dhashay tuulo yar oo ku taal galbeedka magaalada Hargeysa dabayaaqadii sannadkii 1948. Malcaamaddii u horreysay ee Qur’aanka looga bilaabay waxay ahayd Macallin Jaamac, HEEGADA, Hargeysa. Waxa kaloo lagu daray Malcaamaddii Ina Sheekh Ibraahim Baraawe ee dooxa agtiisa.

  • Sannadihii 1959 ilaa 1966 waxa uu waxbarashadii dugsiga hoose/dhexe ku qaatay dugsiyada Biyo-dhacay iyo Biyo-dhacay dhexe.
  • 19661970 waxa uu waxbarashadiisii sare ku qaatay Dugsigii sare ee Camud ee Boorama.
  • 1970 – 1973 waxa uu shahaaddidiisa koowaad ee degree-ga ku bartay cilmiga ciidammada cirka iyo bayloodnimada (Military Air force and Pilot Training) oo uu ku qaatay Akadamiyada ciidammada ee Djembe oo ku taalay Karganistan ee dalwaynihii midowgii Soviet (USSR).
  • 1973 – 1974 waxa uu ka hawlgalayey xafiiskii hawlgelinta ee Raxanta Diyaaradaha duqaynta Soomaaliya ee ku taallay Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
  • 1974 waxa uu ka mid ahaa saraakiishii hawlgelinta ee xafiiskii Raxanta Diyaaradaha duqaynta Soomaaliya ee magaalada Baydhabo.
  • 1975 waxa uu noqday ku-xigeenka sarkaalka hawlgelinta ee saldhiggii diyaaradaha dagaalka ee Balli-doogle
  • 1977 waxa uu ka mid ahaa saraakiishii duuliyayaasha diyaaradihii ka qayb galay dagaalkii dhex maray Soomaaliya iyo Etiopia, isagoo markii dambena diyaaraddiisii oo lagu toogtay Jig-jiga iyadoo gubanaysa uu kaga booday garoonka diyaaradaha ee Hargeysa oo uu ka badbaaday.
  • 1978 wuxuu noqday ku-xigeenka xafiiskii cilmi-baadhista Wasaaraddii Gaashaandhigga Soomaaliya.
  • 1979 wuxuu ahaa hoggaanka Waaxda Arrimaha Dibadda ee Wasaaraddii Gaashaandhigga Soomaaliya u qaabilsanayd Yurub iyo Maraykan.
  • 1981 waxa uu kamid noqday 4-tii sarkaal ee u horreeyey Soomaali ee shir ku gala Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon, waxaana saraakiisha wehelinaysa ku jiray Marxuum Ciise Soofe Durraan.
  • 1981 waxa uu kooras gaaban oo ku saabsan sida qalabka Ciidammada loo kala iibsado iyo shuruucda la isku dhaafsado ku soo qaatay kulliyad ciidanku leeyahay oo ku taal Dayton, Ohio, dalka Maraykanka.
  • 1983 waxa lagu xidhay magaalada Moqdisho isagoo loo aanaynayo inuu ku lug lahaa muddaharaaddadii ka dhacay Hargeysa, waxanu xabsiga ku jiray muddo lix bilood ah.
  • 1984 waxa uu galay tababbar kulliyadda Fort Lee ee Virginia dalka Maraykanka.
  • 1985 waxa uu ku biiray ururkii SNM, waxana wax yar kadib loo magacaabay Taliyihii aagga galbeed ee ciidankii SNM.
  • 1987 waxa uu xubin ka noqday golihii dhexe ee SNM kadib shirweynihiisii waqtigaa la qabtay.
  • 1988 waxa uu noqday madaxa Sahanka SNM.
  • 1988 June ilaa August wuxu ahaaTaliyihii dagaalkii SNM la gashay ciidammadii dawladdii Somalia aagga Hargeysa oo uu ku dhaawacmay laba jeer.
  • 1988 bishii November waxa uu ka qaybqaatay dagaalkii ugu cuslaa ee SNM iyo ciidankii Siyaad Barre oo muddo bil ah ka socday Kala-baydh ilaa Wajaale, December 1988 waxa uu hormood ka ahaa fekirkii iyo bud-dhiggii aasaaska Golaha Guurtida ee Somaliland.
  • 1989 wuxu ahaa Guddoomiyihii shirweynihii SNM ee Balligubadle ee lagu doortay Marxuum Cabdiraxmaan Axmed ali (Tuur), Madaxweynihii u horreeyey ee Somaliland.
  • 1989 – 1991 madaxii nabadgalyada taliskii ciidanka SNM iyo xeryihii qaxoontiga ee Daroor, Kaam Abokor, Balliyalay iyo Dul-cad.
  • 1991, 92, 93 wuxu hormood ka ahaa shirarkii dib-u-heshiisiinta iyo ku dhawaaqista Somaliland ee Berbera, Burco iyo kii siyaasiyiinta dalku yeesheen ee gunaanadkiisu noqday magaalada Sheekh (Towfiiq).
  • 1993 waxa uu ka mid ahaa ka qaybgalayaashii shirkii qaran ee Boorama, isagoo markaa noqday  Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ilaa bishii August 1995.

Waxyaabihii ugu waawaynaa ee hirgalay ama uu kaalinta wayn ka qaatay muddadaasi uu xilka hayey waxa ka mid ahaa:

  • Aasaaskii labada gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada oo xilliyadaa muran ka jiray
  • Wuxuu noqday wasiirkii Daakhiliga ee u horreeyey ee taga magaalada Laascaanood, halkaas oo uu ka soo galbiyey ergadii Gobolka Sool uga qaybgalaysay Golaha Guurtida
  • Waxa suurto gashay hub-ka-dhigistii maleeshiyaadka
  • Qaramayntii ciidammada iyo ilaha dhaqaalaha
  • Aasaaskii iyo dhismihii ciidammada Bilayska, Millateriga iyo Asluubta
  • Dib-u-hawlgelintii xabsiyada iyo saldhigyada Booliska ee dalka.
  • 1996 waxa uu ka qaybqaatay dib-u-habayntii SNM
  • 1996 – 2000 waxa uu ku jiray nolol beeralay iyo geel dhaqasho ah
  • 2001 waxa uu ka mid noqday aasaasayaasha urur-siyaasadeedkii SAHAN
  • 2002 waxa uu ku biiray xisbiga KULMIYE oo waqtigaa aasaaskiisu socday
  • 2008 waxa Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad loogu doortay shirweynihii xisbiga KULMIYE
  • 2008 – 2010 waxa uu ka qallinjebiyey Kulliyadda Xallinta Khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa
  • 2010 waxa uu noqday Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kadib markii xisbigu ku guulaystay talada dalka, xilkaas oo uu ilaa hadda hayo.
  • 2014 waxa mar labaad Guddoomiye loogu doortay shirweynihii xisbiga KULMIYE ee ka dhacay Hargeysa.
  • 2015 waxa shirweynihii golaha dhexe ee KULMIYE loogu doortay murashaxa xisbiga ee u taagan jagada madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland doorashada 2017.