Xafladdii xilwareejinta KULMIYE Manchester

KULMIYE UK – Xalay oy Taarikhdu ahayd Sabti 25/03/17 waxay Laanta Xisbiga Kulmiye ee Greater manchester qabtay Xaflada  si weyn loo soo agaasimay oo xilka loogu kala wareejinaayey Guddoomiyihii hore Laanta Graeter Manchester Eng Jama Ali Farah  oo xilkii ka Dagan iyo Gudoomiyaha Cusub ee Laanta Graeter Manchester yeelan doonto Aqoonyahan Ismacil Koox Axmed.  Xafladaa …

Review Overview

User Rating: Be the first one !
0

KULMIYE UK – Xalay oy Taarikhdu ahayd Sabti 25/03/17 waxay Laanta Xisbiga Kulmiye ee Greater manchester qabtay Xaflada  si weyn loo soo agaasimay oo xilka loogu kala wareejinaayey Guddoomiyihii hore Laanta Graeter Manchester Eng Jama Ali Farah  oo xilkii ka Dagan iyo Gudoomiyaha Cusub ee Laanta Graeter Manchester yeelan doonto Aqoonyahan Ismacil Koox Axmed. 

Xafladaa labada masuul xilka loogu kala wareejinaayey waxaa Goob joog ka ahaa  Gudida Fulinta Kulmiye UK/Mustanbeedka Xisbiga Kulmiye Uk/Lamaha Xisbiga Kulmiye Uk/Masuuliyiin ka tirasan Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland oo ku sugan Dalkan Ingiriiska iyo tageerayaal ka tirsan Xisbiga Kulmiye UK. 

Xafladaa waxa ka loo lagaga hadlay sidii  loo  dardar gelin lahaa  dhamaan Lamaha Xisbiga Kulmiye ee UK iyo taageerayaasha Xusbiga Kulmiye ee UK sidii looga qayb qaadan lahaa Doorashada Madaxweyne ee 2017  fooda in nagu soo haysa xag Maal iyo xag Muruqba. 

 Waxa Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye UK iyo Laanta Xisbiga Kulmiye ee Greater manchester wada jir u  Gudoonsiiyeen Guddoomiyihii hore Laanta Xisbiga Kulmiye ee Greater manchester  Eng Jama Ali Farah oo Xilka ka dagay Shahaado Sharaf lagu maamuusayo wax qabad kiisii Mudadii uu xilka hayey heer ka ficanaa  ee uu Laanta Xisbiga Kulmiye ee Greater manchester uu soo gaadhsiiyey. 

Waxa kala loo Laanta Xisbiga Kulmiye ee Greater manchester Gudoonsiiyeen 2 Shahaado Sharaf midana Gudoomiyaha Gudida Fulinta Kulmiye UK Mudane Xariir Xirsi Adar. 

Midna Gudida Fulinta Kulmiye UK. 

Shirkaasi wuxu ku soo dhamaaday Guul iyo Farxad. 

Allah mahadleh. 

Khasnajiga Guddida UK