Xisbiga KULMIYE oo soo dhawayn ballaadhan ugu sameeyey dalka Canada garabyadii New UCID iyo Toosinta Waddani

Toronto (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhawayn ballaadhan u sameeyey garabkii New UCID ee uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii Toosinta WADDANI ee Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed, ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Kanada, kuwaas oo si rasmi ah ula midoobay xisbal-xaakimka KULMIYE. Xafladdaasi waxa ka qaybgalay aqoonyahan …

Review Overview

User Rating: 3.55 ( 1 votes)
0

Toronto (Warbaahinta Xisbiga KULMIYE)- Xisbiga KULMIYE, ayaa soo dhawayn ballaadhan u sameeyey garabkii New UCID ee uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen iyo garabkii Toosinta WADDANI ee Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee xisbigaasi Axmed Muumin Seed, ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Kanada, kuwaas oo si rasmi ah ula midoobay xisbal-xaakimka KULMIYE.
Xafladdaasi waxa ka qaybgalay aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiyaha Waqooyiga Maraykanka ee KULMIYE Mustafe Cabdi Cartan, madaxda xisbiga ee Laanta Kanada, masuuliyiin kala hoggaaminaysay labada garab ee New UCID iyo WADDANI iyo taageerayaal fara badan oo wehelinayey.
Masuuliyiintu waxay madashaasi ka jeediyeen khudbado muhiim ah oo ay kaga hadleen muhiimada ay labadan garab ee New UCID iyo Toosintii WADDANI u yeelanayaan xisbiga KULMIYE, xaaladda dalka, waxqabadka xukuumadda KULMIYE hirgelisay iyo guusha xisbigu rajaynayo inuu ka soo hooyo doorashooyinka mar kale ee dalka.