Xoghayaha KULMIYE oo ka Hadlay Eedaymo Jamaal Cali Xuseen u Jeediyey Xisbiga iyo doodaha Kooxda Dibad-wareega ah

Xasan-SiciidHargeysa (Warbaahinta KULMIYE)- Xoghaha Guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf, ayaa ka hadlay eedaymo uu murrashaxa madaxweynaha UCID Jamaal Cali Xuseen ku sheegay in xisbal-xaakimka dalku uu burburinayo xisbigooda UCID.

Xoghaye Xasan Siciid oo telefishanka madaxbannaan ee Bulsho la hadlay, waxa uu meesha ka saaray in xisbigooda KULMIYE wax farogelin ah ku leeyahay xisbiyada kale, gaar ahaan UCID, isagoo arrintaasna ku tilmaamay inay dhaawac iyo nusqaan ku tahay xisbigaasi.

“Xisbiga KULMIYE iyo hoggaankiisu habayaraatee wax farogelin ah oo ay ku leeyihiin xisbiga la yidhaa UCID ma jirto, nusqaan iyo ceeb baanay ku tahay xisbiga UCID in la yidhaa xisbiga KULMIYE ayaa burburinaya, waxaanan filayaa inuu dib isu sixi doono saaxiibkay Jamaal Cali Xuseen,” ayuu yidhi Xasan Siciid Yuusuf.

Xoghayaha KULMIYE waxa kaloo uu ka hadlay doodaha ka taagan tallaabadii dhawaan xisbiga lagaga saaray xubno ka mid ah kooxda siyaasiyiinta la baxay Isbahaysiga KULMIYE oo uu sheegay in aanay aqoonsanayn, isla markaana ay iyagu lumiyeen xubinimadoodii xisbiga.

Isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Wax isbaheysiga KULMIYE la yidhaahdo ma jiro, ragaasina waxay ka tirsanaayeen xisbiga Kulmiye, laakiin way ka baxeen oo xisbi kale ayey galeen oo ay wadahadallo kula jiraan, sidaas darteed xisbiga kama tirsana, mana matalaan xisbiga, waana niman xor ah oo u madaxbannaan cidda ay ku biirayaan.”

 “Labadaa nin (Waabeeye iyo Talyanle) waxay ka mid ahaayeen lixda xubnood ee hoggaanka xisbiga, haseyeeshee, sida xubnahaa kale ayey si la mid ah waxay u beeniyeen shirkii Golaha Dhexe ee xisbigu qabtay ee lagu doortay murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga ayey dafireen oo ay yidhaahdeen sharciba maaha, mar haddiiba ay dafireen go’aamada hay’adaha xisbigu gaadheen dastuurka xisbiga qodobka 35-aad wuxuu dhigayaa ciddii u hoggaansamiwayda go’aamada ka soo baxa hay’adaha iyo shirweynaha xisbiga waxay xubintaasi iskeed u lumisay xubinimadii xisbiga, iyaguna waa sidaas, loomana doonayo yaa ka saaraya ee iyagaaba si toos ah u lumiyey xubinimadii xisbiga,” ayuu hadalkiisa ku soo gunnaanaday.