Xukuumadda Somaliland ayaa guddida doorashooyinka qaranka ku wareejisay baaqiga lacagtii kaga soo hagaagtay kharashka qabsoomidda doorashada madaxtooyada.

Kulan  balaadhan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda soomaaliland oo ay ka soo qayb galeen wasiirka maaliyada, wasiirka madaxtooyada, xisaabiyaha guud ee qaranka, agaasimaha guud ee baanka iyo guddida doorashooyinka qaranka ayey xukuumadda somaliland ku wareejisay lacagtii ka hadhsanayd kharashada doorashada.

Wasiirka maaliyadda somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo ka hadashay kulankan ayaa ka warrantay xaddiga lacagta ay ku wareejinayaan guddida doorashada waxaanay tidhi “Maanta waxa  halkan  iskugu yimid wasiirka madaxtooyada, xisaabiyaha guud, agaasimaha guud ee baanka iyo guddida doorashooyinka qaranka, waxaanan halkan ku bixinaynaa lacagtii

kaashka ahayd ee doorashada taas oo dhan $1,200,000( Hal Milyan Iyo Laba Boqol oo kun Oo Dollar) oo aanu hadalna ka iman, waxaana halkan jooga Baanka oo xaqiijinaya in lacagta Acount-ka loogu shubo guddida doorashada iyo xisaabiyaha guud oo soo diyaariyey lacagtii.”

Wasiirka madaxtooyada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna ka hadlay kulanka lagu wareejinayey lacagta doorashada ayaa waxa u mahad celiyey wasiirka maaliyadda waxaanu yidhi  “Munaasibaddan aynu iskugu nimid ee wasiirka maaliyaddu ku wareejinayso guddida doorashada lacagtii ka dhinaatay kharasha doorashada, wasiirka maaliyadda waanu ku bogaadinaynaa hawsha fiican ee ay qabatay iyada oo fulinaysa amarkii madaxweynaha.”

Wasiir Maxamuud Xaashi oo sii wata hadalkiisa ayaa intaas raaciyey “Farsamo ahaan doorashada waxa masuul ka ah guddida doorashooyinka, madaxweynaha qarankuna waxa uu leeyahay masuuliyadda guud, waana masuulkii qaranka oo dhan, dad badan ayey xan, dacaayad iyo warbaahin laga hadlo kaga soo ururtay ragannimada gabigeeduba, way sahlan tahay in qof la dhaliilo qofna la caayo, waxbana kuma fadhido oo koob biyo ah oo la qudh qudhiyey way ka sahlan tahay laakiin waxay u baahan tahay in hadalka loo miidaan dayo caddaaladda uu salka ku hayo iyo xaqiiqada uu ku fadhiyo.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa fariin u diray siyaasiyinta iyo taageerayashoodada waxaanu yidhi “Xisbiyada mucaaridka ah iyo taageerayaasha xisbiyada dhammaantood  waxaanu u caddaynaynaa in dalkan doorasho ka dhici doonto wakhtigii loogu tala galay haddii alle idmo, waxaanu u cadaynaynaa inaanay lacag la'aan u baaqanayn doorashada somaliland, kuwa ka werwersan ee leh kolba muddo ayaa la kordhinayaa waxaanu leenahay bishu hortiina ayey iman doontaa ee caloosha u sii daaya, ragga siyaasadda qoolaalinaya waxaannu leenahay miciin ha ka dhigannina in kolba waxbaa la kordhinayaa iyo shaki iyo mala awaal ee si nadiif ah u tartama.

Guddoomiyaha guddida doorashooyinka Soomaaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isaguna ka hadlay kulankan ayaa xukuumadda uga mahad celiyey sida ay u garab taagan tahay doorashooyinka waxaanu yidhi “Waanu uga mahad celinaynaa wasaaradda maaliyada iyo xukuumaddaba qaabkan doorashadeenu u socoto oo runtii ah mid hawl badan, waxa kale oo aan u mahad naqaynaa qaabkii dawladdu uga qayb qaadatay is diwaan gelintii oo ahaa mashruuc aad u weyn oo aynu ku soo guulaysannay.”